Wasiirka ku-xigeenka Tacliinta Somaliland oo ka waramay Arday waxbarasho u tegeysa Sudan iyo qaar Muqdisho ku xaniban
Hargeysa Feb 15,2012(qurbejoog.com)-Wasiir ku xigeenka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Cali Xaamud Jibriil ay cadeeyay in todobaadkan ay dalka Suudan u diri doonaan 13 arday oo ka mid ah 50 arday oo sugayay deeq waxbarasho oo ay dawlada Turkigu u fidisay ardayda Somaliland.
Wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada oo warbaahinta u waramayay ayaa sheegay in ardaydani ay wax ku baran doonaan jaamacad ku taala dalka Sudaan isla markaana ay dawlada Turkigu kafaalo qaaday kharashaadka ku baxaya mudada ay waxbarashada ku jiraan, waxaa kale oo uu tilmaamay wasiir ku xigeenku in ardayda soo hadhay ay iyana dhawaan bixi doonaan isagoo intaas ku daray inay hore Turkiga u tageen 35 arday oo reer somaliland ah kuwaas oo haatan wax ka barta jaamacado ku yaala dalkaasi.
Mudane Cali Xaamud Jibriil waxaa kale oo uu ka hadlay Konton arday oo somaliland ah oo ku go’doonsan Magaalada Muqdisho ee dalka Somalia waxaanu sheegay in ardaydaas iyo waalidiintoodu ay go’aansadeen inay halkaasi tagaan iyagoo aan wax ogolaansho ah ka haysan wasaarada waxbarashada waxa uu wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashadu intaas ku daray in qaabka ay u baxeen ardaydaasi aanay wasaaradu waxba kala socon isla markaana ay qaar ka mid ahi dalka dib ugu soo laabteen.
Qurbejoog-Hargeysa