Wasiirka Khayraadka Biyaha Somaliland oo Xili Abaaro iyo Ooda Lulul uu Dalka ka Taagan yahay Shaaciyey in Xuska Maalinta Biyaha Beri la qaban doono DAAWO.
Hargaysa 22.March 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Khayraadka Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Baashe Cali Jaamac ayaa sheegay in Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Biyaha adduunka oo la qabto 22 Bishan March oo Maanta ku beegan ay dib u dhigeen Maadaama Saaka Guud ahaan dalka laga oogi doono Salaad roob doon ah.
Wasiirku Waxa uu Sheegay in Xuska Maalinta Biyaha Adduunka la qaban doono beri oo Arbaca ah,Inkastoo Bulshadu u aragto inaanay Xiligan Munaasib ahayn qabashada Xuskan.