|

Wasiirka Khaarajiga Somaliland oo kulan la yeeshay Guddida Afrika u qaabilsan Baarlamanka Ingiriiska

London, 24, May 2012 (SDN)- Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, oo uu weheliyo Safiirka Somaliland ee dalka Ingiriiska, Cali Aadan Cawaale, ayaa maanta kulan xog-warran ah kula yeeshay mudanayaasha Guddiga Arrimaha Afrika ee Baarlamaanka Ingiriiska xarunta Baarlamaanka ee magaalada London (House of Parliament). wasiirka oo London soo gaadhay shalay ka dib markii uu soo dhamaystay booqosho hawleed oo ku tagay dalka Maraykanka ayaa kulankan oo ka dhacay aqalka baarlamaanka Ingiriiska dhexdiisa la qaatay mudanayaasha baarlamnaanka ee Guddiga Afrika.
waxa kale oo goob joog ahaa masuuliin ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda ee Ingiriiska, xildhibaanada u dhaqadhaqaaqa qaddiayda Somaliland iyo dibloomaasiyiin ka socotay safarradaha reer galbeedka qaarkood ee fadhigoodu yahay dalka Ingiriirska. Arrimaha uu wasiirku shirka uga xog warramay waxa ka mid ahaa:
Xaaladda guud ee Somaliland (siyaasadda, nabadgalayada iyo hurumarka).
Wasiirka wuxuu ugu horrayn u sheegay mudaneyaasha inay Somaliland samaysay horumar dhinacyo badan ah, mar uu wasiirku ka hadlayey xaaladda amaanka manadaqadda wuxu aad ugu nuuxnuuxsaday inay Somaliland ku taallo manadaqad colaado ba’ani saameeyeen oo loo baahan yahay inay beesha caalamku gacan ka siiso Somaliland dhinacyo badan si looga hortago dhibaatooyinka budhcad badeedda, arggagixisada iyo abaaro salka ku haya colaadaha sokeeye ee ka aloosan meelo kamid ah gobolka.
Mar uu wasiirku ka hadlayey Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Somaliland iyo xidhiidhka diblomaasiyadeed ee ay la leedahay beesha caalamka, wasiirku wuxu hoosta ka xarriiqay inay Somaliland ku joogta tubtii ay ku hanan lahayd xaqiijinta himalada shacabkeeda oo ay saldhig u tahay inaanay ka daalin hanashada aqoonsi caalami ah, isagoo xusuusiyey inay Somaliland wax badan kala qaban karto beesha caalamka arrimaha Somalia ee ilaa hadda loo maaro waayey, sababtoo ah buu yidhi wasiirku waa tijaabo annaga hore noo soo martay oo aanu walaalahayo u gudbin karro marka ay munaasib noqoto.
Mucaawimada Somaliland uga baahan tahay dawladda Ingiririska iyo deeq bixiyayaasha kale.
Wasiirka oo ka hadlaya arrintani wuxu beesha caalamka oo ingiriisku hormood ka yahay uga mahad celiyey kaalamada joogtada ah ee ay Somaliland ka siiyaan dhinacyo kala duwan sida adkaynta dimuqraaddiyada iyo arrimaha doorashooyinka, isagoo tilmaamay inay dhowaan dawladda Somaliland ku talo jirto inay qabato doorashooyinka dawladaha hoose, kana filayso saaxiibbadeedda inay si weyn uga gacan qabtaan hawshaa culus. Waxa kale oo uu wasiirku tibaaxay inay Somaliland hawl wacan ka qabatay arrimaha budhcad badeedda gacantana ku hayso tiro badan oo budhcad badeed ah, isagoo sheegay inay dadka reer Somaliland ka midaysan yihiin la dagaallanka budhcad badeedda kana nadiif yihiin.
Wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya.
Wasiirka oo ka hadlaya wada hadallada Somaliland iyo Somalia ayaa sheegay inay Somaliland dhinaceeda diyaar u tahay inay fuliso qodobkii lixaad ee shirkii London soona xushay xubnihii uga qayb geli lahaa diyaarinta wada hadallada, isla markaana ay sugayaan inay Somalia dhinaceeda soo dhammays tirto.
Kulankii Ha’yadda horumarinta caalamka (DIFD)
Waxa kale oo ay galinkii dambe Wasiirka iyo Safirku shir la yeesheen musuuliyiin ka tirsan wasaaradda Horumarinta iyo kaalmada caalamiga ee ingiririska (Department of International Development) halkaas oo uu masuulka Africa u qaybsani faahfaahin ka siiyey kaalmada ay Dawladda ingiriisku u qorshaysay Somaliland oo ah 60% kaalmada ay ugu talo galeen dhulkii laysku odhan jiray Somalia.
SDN, London

Comments are closed