|

Wasiirka Kaluumeysiga Puntland oo ka warbixiyay shaqaale shalay laga sii dayay burcad badeeda Soomaalida

Garoowe Dec 24 2012 (SDN)— Wasiirka Kaluumeysiga Puntland Injineer Maxamed Faarax ayaa faah-faahin ka bixiyay xaalada caafimaad shaqaalo la socday markab ciidamada Puntland ay shalay xoog kusoo furteen.

Wasiirka ayaa wuxuu sheegay in xaalada caafimaad ee shaqaalaha ay yihiin kuwa wanaagsan islamarkaana aysan jirin dhibaato haysata marka laga soot ago in labo kamid ah ay dileen kooxaha Burcada intii ay afduubka uheesteen.

Muddo 12-maalmood ayuu sheegay inay ku hareeresnaayeen kooxaha Burcada ee heestay markabka ugu dambeyna ciidamada ammaanka ee Puntland ay ku guuleesteen inay soo furtaan dadkaasi.

Shalay ayeey aheyd markii warqoraal ah oo ay soo saareen maamulka Puntland ku sheegeen inay soo furteen markabkaasi oo lagu magacaabo MV Iceberg 1.

Markaabkaan ayaa kooxaha burcad badeeda waxa ay heesteen 2-sano iyo saddex bilood ugu dambeyna shalay laga soo furtay.

SDN-Garoowe

Comments are closed