Wasiirka Kalluumaysiga ee Somaliland oo ka hadlay Wasaaradiisa iyo Maamul Goboleedka Punt land
Hargaysa 23.July (SDN) Wasiirka Wasaarada Kalluumaysiga iyo Khayraadka bada Mudane Cali Jaamac Faarax oo Xog Waran Maanta Siiyay Shabakada Qurbejoog.com ayaa Sheegay in la gaadhay Xiligii ay Gobolada bari ee Somaliland isku tiirsanaan gaadhi lahaayeen.
Wasiirku waxa uu ka hadlay arrimo badan oo taabanaya hawlaha wasaaradiisa iyo Maamul Goboleedka Punt land .
Wasiirka Wasarada Kalluumaysigu waxa uu Xukuumada uu ka Tirsan yahay ku amaanay sida ay Isaga Xil saartay Nabadaynta iyo Walaalaynta Bulshada Somaliland,Si ay Danahooda ugu Midoobaan.
Mudane Cali Jaamac Faarax waxa uu xusay inay meesha ka baxday Dhibaatadii Maamul Goboleedka Punt land uu ku hayay deegaamo ka tirsan Gobolada bari ee Somaliland,Isagoo Sheegay In Maamul Goboleedkaasi uu Maanta ku Jiro Xaalad Baaxa Deg ah waxaanu Shacabka Somaliland u soo jeediyay inay danahooda u Midoobaan.
Wasiirka Wasaarada Kalluumaysiga iyo Khayraadka badu waxa uu tilmaamay in Wasaaradan uu Xilkeeda dhawaan la wareegay ay u qorshaysan fulinta Mashaariic kala duwan oo kor loogu qaadayo Wax soo saarka Khayraadka badda .
Wasiirku waxa uu ka dalbaday Shacabka Somaliland inay ka faa’iidaystaan Khayraadka Bada.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com