Wasiirka Hawlaha Guud Oo Xadhigga Ka Jaray Biyo-Qabatin Dila Looga Sameeyay Fataahadaha Doox Dhex Mara
Dilla 13. April 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka Iyo Guryeynta Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali-mareexaan), ayaa xadhigga ka jaray deyr biyaha looga sameeyey dooxa degmada Dila dhex mara iyo dayactir lagu sameeyey saddex Balli oo Dooxa ku dhex yaalla.
Samaynta Deyrkan, ayaa ka dambeysay markii uu daad ku soo fatahay degmada dilla sannadkii hore keeneen dhimashada 5 Qof , waxaana maalintii masiibadaasi dhacday wefti uu ka mid ahaa Wasiirka hawlaha guud Cali Xasan Maxamed uu balan-qaaday in xayndaab looga sameyn doono dooxa magaaladda si looga hor tago dhibaatada uu ku hayo bulshada xilli roobaadka.
Xafladdii Xadhigga lagaga jarayay Biyo-qabatinka loo sameeyay Dila iyo Dayactirka lagu sameeyay Saddexda Balli ee Dooxa ku dhex yaalla oo lagu qabtay isla gudaha Degmada Dila, ayaa waxa Odayaasha Degmada, Maamulka Degmada, Maamulka Gobolka Awdal, Xisaabiyaha Guud Ee Qaranka, Maareeyaha Hay’adda Waddooyinka iyo Wasiirka Hawlaha Guud.
Ugu horey, Odayaasha degmada Dil, ayaa madasha ka hadlay waxaanay si wayn ugu mahadnaqeen Wasiirka Hawlaha Guud oo ay sheegeen inuu ka soo baxay ballantii uu u qaadey, waxaanay tilmaameen in aan maanta loo baqo qabin magaalada, laakiin intaan lagu sameyn xaydaabkan ay magaaladu doox dhex taalay.
Maayirka Degmada Dilla, ayaa isna dhinaciisa u mahad celiyey Wasiirka hawlaha guud oo uu sheegay inuu u soo gurmadey magaaladan oo uu xusay inay Dayacnayd oo ay ku dhex taallay Doox, balse Deyrkan Biyo-qabatinka ah ee loo sameeyay awood u leeyahay inuu Magaalada ka samato-bixiyo Fataahadaha Dooxa ka dhasha.
Maareeyaha Hay’adda Waddooyinka Xasan Cali Cismaan ayaa sheegay in ka wakaalad ahaan iyagoo fulinaya amarkii Wasiirka hawlaha guud ee ahaa in biyaha laga leexiyo oo xayndaab looga sameeyo biyaha roobka ee dooxaasi soo mara, ay ku guuleysteen inay hawshaa fuliyaan, sidoo kalena Dayactiraan Ballay-biyoodyo ku dhex yaallay Dooxaasi.
Badhasaabka Gobolka Awdal Mustafe Cabdi Ciise (Shiine), ayaa Wasiirka Hawlaha guud ugu Mahad-naqay Biyo-qabatinka uu Magaalada Dila uga sameeyay Fatahaadda Dooxa ku yaalla dhex yaalla.
Ugu dambayn, Wasiirka Hawlaha Guud, Gaadiika Iyo Guryeynta Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali-mareexaan), ayaa madasha hadalo kooban ka jeediyey dhinaca kalana xadhigga ka jaray, waxaana hadalladiisa kamid ahaa “Mashruucan halkan xadhiga lagaga jarayo iyo kuwa kale ee dalka ka socdaa waa masuuliyadda dawladdu u hayso shacabkeeda iyo qarankeeda, maalintii halkan aynu ka ballan-qaadeynay iyo maanta waad aragtaan faraqa u dhaxeeya, maanta magaaladu waa amaan oo deyrkaa weyn ayaa looga dhigay dhibaata biyuhu keenaan”.
Wasiir Cali Mareexaan, ayaa waxa uu Intaas waxa uu ku daray “Daydweynaha degmada waxaan ku boorinayaa inay ka fogaadaan meel dhibtu ka iman karto, maamulka degmaduna waa inay ka shaqeeyaan sidii aanay dib u soo laabateen mashaqo danbe oo dad inagaga dhintaan, wasaaradda hawlaha guud gobolkan mashaariic baddan ayey ka waddaa dhammaantoodna la rabo in laga wada hawl-galo”