Wasiirka Hawlaha Guud oo Xadhiga ka Jaray Shirkad dalka keentay Basas
Hargaysa 01.Feb 2014 (SDN)- Wasiirka wasaaradda hawlaha guud gaadiidka iyo guryanta md cabdirisaaq khaliif axmed ayaa maanta ka qeyb galay xaflad lagu daah furayay shirkadda basaska ee salaam bus ee ka hawlgala waddanka itoobiya oo markii u horaysay xafiis ka furtay Somaliland.
Xafladaasi oo ay kasoo qeyb galeen taliye ku xigeenka laanta socdaalka , saraakiil ka socotay wasaarada arimaha dibada , safiir ku xigeenka dalka itoobiya u fadhiya Somaliland , madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland iyo marti sharaf kale ayaa waxa halkaasi ka hadlay wasiirka wasaarada hawlaha guud , gaadiidka iyo guryayanta md cabdirisaaq khaliif axmed oo sheegay in uu u mahad celinayo shirkadda dhakhsaale group of campanies oo ah wakiilka shiradda salaam bus ee Somaliland waxaanu intaa ku daray in gaadiidkaasi ay wax weyn ka tari doonaan isu socodka labada shacab isalmarkaa ay kor u qaadi doonan xidhiidhka ganacsi ee labada dal.
Waxa isna halkaasi ka hadlay safiir ku xigeenka safaaradda itoobiya ee Somaliland mr takale kaas oo sheegay in shariikadda salam bus xafiiska ay ka furatay Somaliland uu soom dhawaynayo islamrkaa uu kor u qaadayo is dhex galka dhinayada dhaqaalaha iyo bulshada ee labada dal, waxaanu intaa raaciyay in ay ku faraxsanyihiin adeega ay shiradda salaam ka hirgalinayso Somaliland.
Taliye xigeenka laanta socdaalka gaashaanle dhexe maxamed saleebaan xasan ayaa sheegay in shiradda salan bus xafiiska ay ka furatay Somaliland iyo adeegayada ay ka shaqayanayaan in ay si fiican ula shaqayan doonaan
Gudoomiyaha shiradda dhakhsaale group of companies md cismat maxamuud maxamed oo ah shirkadda xidhiidhka la samaysay shiradda bsasaka ee salam bus ee itoobiya oo isna xaflada ka hadlay ayaa u mahad celiayay safaaradda itoobiya iyo wasaaradda arimaha dibada jsl oo uu sheegay in ay wada shaqayn fiican la sameeyeen sidii adeegan looga hirgalin lahaa Somaliland waxaanu sheegay in ay dadweynaha u fududayn doonaan safarada ay ugu baxayaan dalka itoobiya .
Gabagabdii waxa halkaasi ka hadlay madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland md axmed yuusuf yaasiin ayaa sheegay in arintani ay tahay arin fududaynaysa isu socodka labada dal taasoo hor seedi doonta in afriki ay xidhiidh isu socod yeelato.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.news.com