Wasiirka Hawlaha Guud iyo Wefti uu Hogaaminayo oo Kormeer ku Maraya Mashruuca Dhismaha Waddadda Ceerigaabo Iyo Muuqaaladii ay Maanta arkeen DAAWO
Gar adag 06.Dec 2015 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud,Gaadiidka Iyo Guryaynta Mudane Cali Xasan Maxamed “Cali Mareexaan” Iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa maanta Safar Shaqo ku maray Mashruuca dhismaha Waddada isku Xidhaysa Magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo.
Wasiirka oo ay Weheliyaan Maamulka Hay’ada Horumarinta Waddooyinka Iyo Xubno ka Tirsan Gudidda Heerka Qaran ee Dhismaha Jidka Ceerigaabo iyo Burco ayaa Waxay Warbixin ka dhagaysteen Madaxda Gacanta Ku haysa dhismaha Jidkaas.