|

Wasiirka Hawlaha Guud Ee Somaliland Oo Sheegay Imtixaan Lagu Kala Saari Doono Shaqaalaha Hay’adda Koronta Hargeysa Oo Dhawaan Cabasho Muujiyey

Hargeysa:Feb,10,2015(SDN/QJ)-Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka Iyo Guryeynta Somaliland Cabdirasaaq Khaliif Axmed, ayaa Markii ugu horraysay Ka Hadlay Cabashada shaqaalaha Hay’adda Korontada Hargeysa oo Beryahan Arrintoodu taagnayd.

ina khlWasiir Khaliif oo shalay la hadlay saxaafadda, ayaa sheegay in shaqaalaha la dhimi doono, isagoo sababtana ku sheegay in tiradoodu badan tahay oo aanay dhamaantood sii wada shaqayn Karin.

Waxa uu tilmaamay dadka warshadda la wareegay ay siyaasad gaar ah wataan, isagoo xusay in dhamaan wixii mushahar ahaa ee shaqaalahaasi lahaayeen hore loo siiyey, isla-markaana imtixaan lagu kala reebi doono, “Hargeysa Laba Boqol oo shaqaale ah baa joogay, ismana bixiinayaan in dadkani sii shaqeeyaan, maadaama Cid gaar ahi Hay’adda la wareegtay Toddobaadkii dhaweyto, ayaanu dhamaynay wixii ay mushahar lahaayeen la iskana dareerin maayo oo imtixaan baa laga qaadayaa” ayuu yidhi Wasiir Cabdirisaaq Khaliif.

Dorraad ayey Shaqaaleweynaha Hay’adda Korontada Hargeysa cabasho ballaadhan ka muujiyeen Tallaabooyin lagaga eryayo shaqooyinkii ay soo hayeen, waxana sheegeen in mushahar tiro badan badani ka maqan yahay, kaas oo wasiirka laftiisuna uu dafiray.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed