Wasiirka Gobolka Kerala oo weeraray R/Wasaaraha India, markii uu Gobolkaasi barbardhigay Somaliya
Kerala, 11,5,2016 (QJ/SDN) – Wasiirka Gobolka Kerala ee dalka India, Oommen Chandy, ayaa si kulul u weeraray Ra’iisal Wasaaraha India, Narendra Modi, ka dib markii uu Gobolkaasi uu la barbardhigay dalka Somaliya.
Ra’iisal Wasaaraha, ayaa wuxuu toddobaadkii hore uu sheegay in Gobolka Kerala uu lamid yahay Somaliya, iyadoo ay taasi ka cadheysiisay bulshada ku dhaqan Xarunta Gobolkaas Kerala ee Thiruvananthapuram, waxayna dhigeen dibadbaxyo ka dhan ah hadalkaasi.
Oommen Chandy, ayaa waxaa uu Ra’iisal Wasaaraha uu ku eedeeyay inuu dhaawacay bulshada ku dhaqan Gobolkiisa, haddii uu la barbardhigay mid ka mid ah dowladaha ugu itaalka yar ee Qaaradda Afrika.
“Kerala maaha Somaliya, Ra’iisal Wasaare waxaad meel kaga dhacday shacabka reer Kerala, waadna dhaawacday, haddii aad la barbardhigtay Somaliya.” Ayuu yidhi Oommen Chandy.
Isagoo cadho laga dhadhansan karo, ayuu markale yidhi “Waxaan kaa codsanayaa inaad la timaado siyaasad ay hufnaan ku dheehan tahay, cadayna aad u haysaa marka aad ka hadleyso isbarbardhiga aad samaynayso. Waxaad Kerala u ekeysiisay Somaliya.”
Wasiir Chandy, ayaa wuxuu Ra’iisal Wasaare Modi uu ku dhaliilay inuu ku dhaqaaqay tallaabo aanay horay ugu dhiiran Ra’iisal Wasaare-yaashii isaga ka horeeyay.
Kerala waa mid ka mid ah gobolada ugu waawayn ee dalka India, waxaana ku nool 35 milyan oo qof, iyadoo uu meel dhexe kaga jiro, marka laga hadlaayo wax soo saarka gobolada dalkaasi.