|

Wasiirka Ganacsiga oo Shaaca ka qaaday in Sicir-bararka Somaliland ka jiraa dhaafay mid ay wax ka qaban karto Wasaaraddiisu

Hargeysa, 23 December, 2015-(SDN/QJ):- Wasiirka  Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgeshiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Muuse Qaasim Yuusuf, ayaa shaaca ka qaaday in Sicir-bararka dalka ka jiraa gaadhay heer aanay Wasaaradda Ganacsigu xakamayn karayn, isla markaana waxa uu sheegay inay loo baahan yahay in si heer Qaran ah loo waajaho, taasina ay haddo socoto oo uu Madaxweynuhu Guddi ka soo talo-bixisa u magacaabay dhawaan hawsheeda bilawday.

Wasiirka GanacsigaWasiir Muuse Qaasim, ayaa shalay hor-tegay Guddiga ilaalinta Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada Somaliland, ka dib markii ay u gudbiyeen maalmo ka hor dalb yeedhmo ah, isla markaana kulan ay Saxaafaddu dibedda ka joogtay oo muddo saacado ah u socday Wasiirka, Masuuliyiinta Wasaaraddiisa qaarkood oo uu u ka mid ahaa Wasiir Ku-xigeenkiisu iyo Xubnaha Guddiga, ka dib markii uu soo dhammaaday waxay wax ka weydiisay waxyaabaha ay ka wadahadleen Saxaafadda.

Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga daba-galka iyo ilaalinta Hantida Qaranka Xildhibaan Cabdiqaadir Xaamud, ayaa sheegay waxyaabaha ay ka wadahadleen, waxa uu yidhi; “Waxaannu la kulannay Wasiirka Ganacsiga, waxaanad ogtihiin oo inta badan Guddiga ilaalinta Hantida Qaranku waxay u yeedhaan Masuuliyiinta Qaranka, sababtuna waxay tahay inay jirto wada-shaqayn naga dhaxaysa labadayada. Dhammaan waxyaabihii aannu iska waraysannayna wuu naga qanciyey. Mar labaadna waannu ballansannahay in aannu isku soo noqonno.”

Sidoo kale, Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland Dr. Muuse Qaasim Yuusuf oo isaguna dhiniciisa sharraxay waxyaabo ka mid mid ah qodobbada ay Guddiga ka wadahadleen, waxa uu yidhi; “Kulankayagu waxa uu ahaa yeedhis caadi ah oo ay noo yeedheen Guddiga ilaalinta Hantida Qaranka Golaha Wakiillada Somaliland, waxaanay rabeen uun in aannu u sharraxno Miisaaniyaddu siday u baxdo, tirada Shaqaalaha Wasaaradda iyo guud ahaanba Qarashaadka kale ee Wasaaradda ku baxa iyo Shuruucdii wixii naga qabyo ah dhinaca Baarlamaanka. Markaas, waxaannu isla garannay inay Shuruucdaasi habsaantay, wixii uu madmadaw kaga jiray ee ay naga rabeenna waannu u sharraxnay.”

Wasiirka Ganacsiga Somaliland oo ka jawaabaya waxyaabaha ay Guddiga ilaalinta Hantida Qaranka Golaha Wakiillada ka wadahadleen in Sicir-bararka xadhkaha goostay ee Somaliland ka jira iyo in kale, waxa uu yidhi; “Dareenkaasi wuu jiraa, waxaana loo waajahayaa si heer Qaran ah, way dhaaftay inay Wasaaraddu wax ka qabato, Madaxweynuuna Guddi ayuu u saaray. Guddigaas ayaannu wixii aannu war haynay iyo sida looga hor-tagi karayaba aannu u gudbinnay si deg-deg ah ayaanay talabooyin cadcad u qaadi doonaan.”

Comments are closed