Wasiirka Ganacsiga oo furay Xarunta dhexe ee Shirkada Juba Express ee Magaalada Hargaysa
Hargaysa 18.Fec.(SDN) Wasiirka wasaarada Ganacsiga JsLand Mud,C/risaaq khaliif Axmed, ayaa manta ka qayb galay xaflad lagu furayay Xawaaladda Jubba Express Xarunteeda Hargeysa oo lagu qabtay huteel Maan soor magaalada Hargeysa.
Xafladaasi oo ay ka soo qayb galeen Ku xigeenka Maayirka Caasimadda Hargeysa Mud, C/casiis Maxamed xaashi, ku xigeenka 1aadee xisbiga Kulmiye,Maxamed kaahin Axmed, Af-hayeenka Xisbiga Wadani Mud,Ibraahim Maxamed Buuba, Gudomiyaha Ururka Odxa Fadimo Siciid, iyo Marwo,Edna Aadan Ismaaciil, ayaa waxa ugu horayn halkaasi ka hadlay wasiirka Ganacsiga Mud, C/risaaq Khaliif Axmed, waxaanuu mulkiilayaasha shirka da Jubba Express ku amaanay tallaabada maal-gashi ee ay dalka ka hir geliyeen.
Waxaanuu Wasiirku sheegay in qof kasta oo wax wanaagsan iyo talaabo horumar leh dalka ku soo kordhiya uu mudan yahay in la dhiiri geliyo lana ammaano.
Ku xigeenka Duqa Caasimada Hargeysa, Mud, C/casiis Maxamed Xaashi, oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in uu rajaynayo shirkada Jubba Express in ay n kaalin wanaagsan ka qaadan doonto adeega bulshada eedhinaca xawilaada , isla markaasina ku soo biiristeedu ay shirkada nooceeda ah ku korodhinayso tartan ganacsi oo saaxada la wadaaga.
Gudoomiyaha Shirka Jubba Express C/salaam Xasan Giire, ayaa waxa uu sheegay in markii ugu horeysay shirkada la Aasaasay sanadkii 2010-kii,xafiiskii ugu horeeyey ee shirkadanalaga furay magaalada Burco May,2011-kii. Waxaanuu gudoomiyaha shirkadu intaa raaciyey in ay haatan qaaradaha kala duwan ee aduunka ka hawlgasho.
Gudoomiyaha shirkada Jubba Express waxa uu faahfaahin ka bixiyey Hadafka fog, himiladda iyo howl-galada shirkadda.
Hargaysa SDN.