|

Wasiirka Ganacsiga Iyo Maalgashiga oo La Weydiiyey Sababta uu uga Muquurtay Difaacida Wasiirada ee Heshiiska DPW

Hargaysa 11.Aug 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka ganacsiga iyo maalgashiga Somaliland Xuseen Aadan Cige “Dayr” ayaa ka hadlay sababaha keentay in wasiiro kale oo qaabilsanayn hawlaha ganacsiga iyo maalgashiga ay gacanta ku dhigaan heshiiska dekeda berbera.

Xuseen Aadan Cige “Xuseen Dayr”Wasiirka ganacsiga oo waraysi gaara siiyay wargeyska geeska Africa ayaa waxa uu sheegay in uu ku jiray gudidii uu madaxwaynuhu u saaray heshiiska dekeda berbera waxaanu yidhi.

“Anigu runtii ma odhan karo kumaan jirin oo dastuuriyan Ayaan uga mid ahay gudida,wasaaradayduna waa wasaarada ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah,hawshana cid ayuunbaa wadda,madaxwaynuhuna gudidii uu magacaabay waan ku jiray ,sidaas darteed kooxda ciduunbaa goolka dhalisa,cidna way soo dhigtaa markaas ma filayo in wax wayn laga raadin karo,waxaan maqlayay wasiirkii ganacisga waa laga reebay oo kumuu jirin,hadaladaasina waa kuwo dacaayad ah oo sal iyo raad toona lahayn,wasiiraddu iyaga ayaa hawsha badankeeda qabtay waana ku hambalyaynayaa ,gudida aan kamidka ahaa ayaa guushaa qaranka usoo hoysay,madaxwaynaha ayaana magacaabay ,waxaanay uxilsaareen in shirkada Dp World lala galo wada xaajood,markaas waan ugu hambalyaynayaa saaxiibaday guushaas ay soo hooyeen,xukuumadd ahaana waa mid aan aad ugu faanayno”sidaas ayuu wasiir Dayr.

Wasiir Dayr oo sidoo kale ka hadlaya sababta wasiiru dawlaha madaxtooyadu u saxeexay heshiiskan ayaa waxa uu yidhi.

“Dekeda berbera waxay hoos timaada oo si dadban u xukunta madaxtooyada ,wasiiru dawluhuna waa wasiir qaran oo ka tirsan wasaarada madaxtooyada,markaas xaq buu isagu u leeyahay inuu saxeexo,isaga iyo Maxamuud Xaashiba cid u diidi kartaa ma jirto”sidaas ayuu yidhi Dayr.

Wasiir Dayr oo ka hadlay xubnaha maamulaya dekeda berbera ee lagaga batay Somaliland ayaa waxa uu yidhi.

“Hadii xubnaha boodhka ah ee shirkadu ay inaga bateen maaha inay dhibaato iyo caqabad ku tahay Somaliland iyo waliba shaqaalaha dekeda,waxaana xusid mudan in mudadii aan la galin hawsha shirkada inay xukuumaddu kasii baaraan degtay aadna uga fiirsatay, waxa shaqaale dhimis ah oo la samaynayaa ma jiraan in wax inoo kordhaan mooyee, waxaana dhab ah in xukuumadda mar walba heegan u tahay inay daryeesho oo ilaaliso xuquuqda dadkeeda,wax shaqada laga eryayaana ma jiraan ee dadka yaan been loo sheegin”Sidaas ayuu yidhi Wasiir Xuseen Dayr.

Comments are closed