WASIIRKA GAASHAANDHIGGA SOMALIA: Argagixisadu waa Khatar u baahan in looga Hortago Iskaashi Caalami ah
Muqdisho,10,jan,2016(QJ/SDN)-Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ayaa magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyey Saraakiil sare oo ka socota wasaaradda difaaca Ingiriiska oo uu hoggaaminayo, Jen. John Lorimer. Isagoo uga mahad-celiyay taageerada xoogan ee dawladdoodu ay la garab-taagan tahay Somalia, gaar ahaan dhanka ciidamada.
Kulanka kaddib ayuu wasiirku sheegay inay saraakiisha Britain isla soo qaadeen khatarta argagixisada ee gobolka iyo sidii wadajir looga hortagi lahaa, isagoo xusay in mar walba muhiim tahay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay hormuud u noqdaan howlgal walba oo lagu baacsanayo cadowga.
“Wafdiga ka socda Ingiriiska ee uu hoggaaminayo Jen. Lorimer waxaan isla soo qaadnay taageerada dowladda Ingiriiska ee ciidanka Qaranka. Waxayna ballan-qaadeen inay xoojin doonaan taageerada ay siiyaan ciidanka si loo dardar-geliyo dagaalka lagula jiro cadowga,” ayuu yidhi Jen. Diini.
Sidoo kale, wasiirka oo sii hadlaya ayaa yidhi. “Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka ay Khatarta ku hayaan kooxahan ay jihadu ka luntay, Si aan u xoojino Dagaalka lagu cidhib-tirayo, mar walba waxaan u baahan nahay sidii iskaashi caalami ah loogu wajihi lahaa.”
Ugu dambeyntii, kulanka waxaa ku weheliyay wasiirka, agaasimaha guud ee wasaaradda gaashaandhigga, iyadoo ay goob-joog ahayd safiirka Ingiriiska u fadhida Somalia iyo dublamaasiyiin kale oo ka tirsan safaaradda Britain.