|

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland oo Markii 1aad ka Hadlay Dilkii Labadii Sarkaal iyo Halkay Hawshu u Marayso DAAWO

CADAMIIHargaysa 22.Sep 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland Mudane Axmed Xaaji Cali Caddami ayaa  ugu baaqay Guud ahaan Shacabka Somalilannd inaan La Siyaasadayn Dilkii labadii Sarkaal ee Ka Tirsanaa Ciidamada Qaranka ee Geeriyooday Qori Lugud .

Wasiir Axmed Xaaji Cali Cadami oo u Waramay Warbaahinta Dawlada ayaa Sheegay in Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo uu Dhanbaal Tacsi ah u diray isla maalintii ay dhacdadaas foosha Xumi dhacday Qoysaskii ay ka Geeriyoodeen Labada Sarkaal Waxaanu Xusay in Mudada ay Doonto ha qaadatee Gacanta lagu soo dhigi doono Gacan ku dhiiglaha Waxaanu intaas ku daray inkasta oo aanu Cadayn inay arrintan Iskaashi kala Leeyihiin Dawladaha Deriska .

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed