|

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland oo ka Hadlay Dhaqdhaqaaqyo Al-Shabaab ka wado Bariga Sanaag iyo tirada dagaal-yahanada soo galay gobolkaas

Hargeysa, April 29, 2012 (Qurbejoog.com)- Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa markii ugu horaysay ka hadlay dhaqdhaqaaqyo la sheegay in qaybo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay ka wadaan deegaano ka tirsan bariga Sanaag, kaas oo sheegay inay la socdaan dhaqdhaqaaqyadaas oo uu ku sifeeyey Aafo Qaran, isla markaana ka gaabsaday talaabada u qoshaysan inay ka qaadaan arrintaas.

Axmed Xaaji Cali Cadami waxa uu sidaas ku sheegay Waraysi khaas ah oo Haatuf xalay khadka telefoonka uu ku siiyey, isaga oo ku sugan Magaalada Hargeysa, kaas oo uu kaga hadlay mawqifka xukuumadda Somaliland ee ku wajahan dhaqdhaqaaqyo ay deegaano ka tirsan bariga Sanaag ay ka wadaan kooxda Al-Shabaab ee lagaga adkaaday dagaaladii ay kula jireen dawladda TFG iyo Ciidamada AMISOM, kaas oo sheegay inay xogo badan ka hayaan xaalada dhabta ah ee deegaanadaas, tilmaamay inay dhawaan ka gudbeen halkaas ku dhawaad 80 dagaalyahan oo ka tirsan kooxdaas.

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Cadami waxa kale oo uu ka hadlay dareenka bulshada deegaanada bariga Sanaag ay ka qabaan Al-Shabaabta fadhiisimada ka dhigayay dhulkaas, kaas oo tilmaamay inay ka warhayaan dhaqdhaqaaqyadaas, isla markaana aanay raali ka ahayn kooxdaas.

Ugu horayn Wasiirka oo ka jawaabay su’aal ku saabsanayd xogta ay ka hayaan deegaanada bariga Sanaag ee la sheegay inay ku soo qulqulayaan dagaalyahanada Al-Shabaab, waxa uu yidhi “Meeshaa aad sheegayso inay dhaqdhaqaaqyo ka jiraan oo ay waliba joogaan dad isku dhex jira oo ku abtirsanaya Al-Shabaab Shaki kuma jiro, dhinaca kale waxa iyaduna jirta inaanay halkaas oo kaliya ku ekayn oo Casha kale iyo buuraha kale ee la yidhaahdo Calmis-geed iyo buurta Cal-madoow la yidhaahdo oo dhinac Warsangali-du ay degto Calmis-geed, taas oo caan ku ah buuro iyo dhir qurux badan oo badan waana meel muddo dheer lagu noolaan karo, ta kalena waa buur waxaana lagu jiraa wakhtigii roobka laakiin iyadu biyahaa joogtada ah malaha, isla markaa inay xagaana jiraan oo ay u gudbeen oo maalmo dhawayto 70 ilaa 80 Nin in ka badani ay ka baxeen oo taas shishe ay qabteen warkaa waanu haynaa.

Waxaana jira nimankaasi inaanay rabin inay mar laba iyo saddex dagaal inay wada galaan oo ay ku talo jiraan inay hormariyaan kolba dagaalka ay lagama maarmaanka u arkaan, intaas oo dhan waanu ognahay xukuumad ahaan, inaanu daawano oo aanu nidhaahno balaayadu xagayaga ha ku soo horayso ee dadka been u sheega shaqadayada maaha, markaa waxaan jeclahay inaan kuu sheego Imaatinka Al-shabaab ee aagagaasi meel aanu anigu ugu ducaynayno oo aanu leenahay Ilaahayow ku nagee maaha. Kooxdaas timid halkaasi waa Aafo Qaran oo aafaduna meeshay doonto dalka ha ka timaadee dalka meel walba uu noqdo lama rabno anagu kumana soo dhawaynayno, mida kale in ragaasi ay Xamar ka soo yaaceen oo ay xagayaga u soo socdaan dareenkeeda waanu qabnaa hadana Wal-wal taagan ninka Ciidanka bariga oo dhan qaabilsanaa ee Taliyaha ahaa ilaa iyo Dhahar ayuu tagay oo caawa wuxuu joogaa deegaankaas daqiiqado ka hor ayuu ila hadlayey Taliyahaasi markaa dhaqdhaqaaqyada kooxdaas talaabo talaabo ayaanu ula soconaa wax qarsoomi karana maaha arintaasi”.

Wasiirka Gaashaandhiga  Mr. Cadami mar aanu wax ka waydiinay Mawqifka Xukuumadda Somaliland ee Al-Shabaabta bariga Sanaag, waxa uu yidhi “Anaga waxa nooga yaala arintaas iyo talaabada aanu ka qaadanayno ma jecli inaan sheego oo odhan-mayno baribaanu galaynaa ama saadambe ayaanu ku dhufanaynaa dagaal jiidaas, af-dawladeedna maaha laakiin yeelkadeede adigu nin Suxufi ah oo Muwaadin ah (Wariyaha Waraysiga qaadayey)  oo laftigiisu dhinaca wanaagsan jecel ayaan kuu haystaa oo aan kuu arkaa oo masuuliyada wadankana waxbaad ku leedahay xagaas waxaan kaa odhan karaa ma jirto oo maanta oo  lagu jiray shirkii Nabadgalyada oo qorsoodi ah waa laga hadlayey, habeen horena waa laga hadlayey oo dawladu xogo-gaal ayey u tahay dhaqdhaqaaqyadaas iyo xaaladkasta oo dalka ku soo kordha ama ka jirta, isla markaana dareenkaasna waanu qabnaa waxaanu kala hadhaynaana ma jiro oo xataa hadii ay jirto cid dunida ka mid ah oo Nabadgalyada mandaqada korka ka ilaalinaya oo sidii maalintii dhawayd dhacday Diyaarado ku garaaca oo sahankoodii fashilayeyna way jiraan oo waanu la shaqaynaa. Markaa arimahaas dunida iyo dalalka jaarkaba waanu ka wada soconaa oo waanu la socodsiinaa wixii Tamari noo diido mooyaane waxba anaguna dawlad ahaan kala hadhi mayno”.

Wasiir Cadami isaga oo hadalkiisa sii wata, isla markaana ka hadlaya saamaynta arintaasi ku leedahay dadka deegaanka bariga Sanaag iyo mawqifkooda, waxa uu yidhi “Dadka ku nool deegaanadaasi iyaga ayaa aniga iga xog-roon oo waa deegaankoodii, arimahaasna wacyi-galin ugama baahna oo way u muuqataa arintaas khatarteeda iyo dhibaatada ay leedahay iyo shalay halka ay maraysay iyo maanta halka ay joogto way kala ogyihiin dadka deegaanadaasi u dhashay ee ku nooli oo  waxa jira dad deegaanka waxkasta la soo socodsiiya oo odhanaya 4 baa soo galay todobaa dhintay, markaa macluumaad ay uga baahan yihiin kooxdaa isku urursanaysa buurahaasna ma jirto oo mawqifka aan ka taaganahay ayey ka taagan yihiin oo inaan khayr soo kordhay jirin way arkayaan”.

Wasiirka Gaashaandhiga Axmed X. Cali  Cadami mar wax laga waydiiyey inay xukuumad ahaan dhaqdhaqaaqyada ka socda bariga Sanaag inay ka gaabiyeen, waxa uu ku jawaabay “Wakhtigan iyo casrigan maanta jooga  dagaalku i arkaay waan dagaalamayaa iyo i maqlaaye maaha oo xeelada iyo xigmada dagaalka ayaanay ku jirin, isla markaana hadii aad awood hayso waxa kugu filan inaad u diyaargarawdo wixii iman kara, laakiin dawladayadu ma taqaano, xarfaana kuma aha i arkaay iyo i maqlaaye oo ma jeclin inaanu nidhaahno”.

Source: Haatuf

Comments are closed