Wasiirka Duulista oo Tafaasiil ka Bixiyay Xeerka Duulista Madaniga ah DAAWO
Hargaysa 24.March 2015 (SDN/QJ)- Wasiirka duulista Iyo hawada Oo Hortagay Mudanayaasha Golaha Wakiiladda, Sharaxaadna ka Bixiyey Xeerka Duulista madaniga ah ee Somaliland
“ Wuxuu xeerkani caawinayaa Meeqaamkeena aynu ku doonayno in hawadeena aynu gaar u maamulano, Waxaan Golaha si xushmad leh ugu cosanaynaa in sida ugu dhakhsaha badan loo qabyo tiro.” Wasiirka Duulista JSL
Hargeysa ( ) Wasiirka Wasaarada duulista hawada iyo Gaadiidka Cirka Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa maanta hor tagay Golaha Wakiiladda ee Somaliland isaga oo faahfaahin ka bixiyey Xeerka Duulista madaniga ah oo golaha hor yaala.
Fadhiga maanta oo ka qabsoomay xarunta Golaha Wakiiladda ayaa waxa shir Gudoominayey Gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxana marti ku ahaa Wasiirka Duulista Maxamuud Xaashi iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradaasi Cumar Cabdilaahi Aadan.
fadhiga maanta ee Golaha Wakiilada ayaa markii uu furmay waxa lagu soo dhawaayey Wasiirka Wasaarada duulista Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo halkaasi ka akhriyey khudbad ku saabsan Muhiimada uu leeyahay Xeerka Duulista madaniga ah ee Somaliland oo Wasaaradiisu ay soo curisay Golaha Wasiirada ay hore u ansixiyeen, hadana Golaha Wakiilada hor yaala
Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa waxa uu hadalka ku bilaabay “ Mudane Gudoomiye, mudanayaal, waxaan ugu horayn idiinka mahad celinayaa, yeedhmada uu goluhu noo yeedhay taas oo ku jirta nidaamkeena wada shaqayneed, farxad wayna way noo tahay inaanu golaha hor nimaadno aniga iyo Agaasimaha wasaaradda duulista, si aanu sharax kooban ugu bixino, xeer golaha hor yaala, kaas oo nuxukiisu uu yahay in lagu aas-aaso hay’ad madax banaan oo qarankani uu leeyahay oo isu duda, Agaasinta hawlaha duulimaadyadeena madaniga ah. Qarankan Somaliland ee aynu soo yagleelnay wakhti dheer ka hor, maantana baarka ka jaray dhawr iyo labaanka gu’ ilaayo hada ma laha hay’ad shaqadaas inoo qabata, sidoo kalena ma laha Xeer lagu maamulo hay’adaas. hay’adaha noocan oo kale ah digreeto iyo wareegto midna laguma sameeyo, waxay u baahan yihiin xeer nidaamsan oo waafaqsan shuruucda caalamka aynu la shaqaynayno, iyo xeerka hay’ada duulimaayada aduunka, waxa kale oo uu u baahan yahay xeerkaasi in hay’ada sharci dajinta ee qarankani ee aad idinku aad kow ka tihiin inay ansixiso.”
Wasiir Xaashi ayaa sidoo kalena yidhi “ Waxaanu ramaysanahay in baahi weyn loo qabo in la abuuro hay’adaas, waxa kale oo aanu rumaysanahay in xeerkaas la dajiyo in baahi weyn aynu u qabano, waxa ku jirta sumcadeena qaranimo, waxan kale oo ku jirta wada shaqaynta aynu dunida la shaqyanayno. Qarankii aynu ka go’nay ee Soomaaliya la odhan jiray waxa loo sameeyey xeer Number 13 oo September 1965-kii soo baxay oo maamuli jiray duulimaadyada madaniga ah, ee wadankii Soomaaliya la odhan jiray. Wax ka dambeeyey oo aynu samaynayna ma jirto, meel marinta xeerkan oo aad habaysaan iskuna duba ridaan, kana gudataan waajibkiina dastuurriga ah, wuxu dhidibada u adkaynayaa qaranimada dalkan iyo meel marka sumcadiisa.”
Wasiirka Duulista Somaliland ayaa sidoo kalena waxa uu intaasi ku daray “ Dunidu waxay leedahay Hay’ado u qaabilsan shaqooyinkaas halka inaga ay imka Wasaaradi ka maamusho shaqadaas, imika waxanau ku maamulnaa anaga oo hay’ada fulineed ah, dunida shaqadaas Wasaarado ma maamulaan duulimaadyada madaniga ah, ujeeda looga madax banaanayo waxa weeye, waa inay noqoto hay’ad ka madax banaan hay’adaha fulinta, oo madax banaani leh, waa inay noqoto mid si madax banaan u baadhi karta shilalka iyo dhibaatooyinka ka dhaca hawadeena iyo muranada ka soo baxa, baahidaas anaga oo ka duullayna waxaanu kaashnay dawlada Ingiriiska oo aanu waydiinsanay inay naga caawiyaan samayntii xeerka, baahiduna ay tahay awood badan oo aynaan u lahay xaga aqoontaas, waayo rageenii hore ee aqoontaas duulimaayada madaniga ah bartay hada way gaboobeen, waxaynu u baahan nahay dad dhiig cusub ah in la baro aqoontaas, dawladda Ingiriiska anigoo hortiina ugu mahad celinaya, gaar ahaan Wasaarada Arrimaha dibada (FCO) , waxay lacag badan ku bixisay in Xeerkan ay khabiiro u soo kirayso, ilaa laba nin ayey u soo kireeyeen, labadaas oo mid uu maalin halkan golaha uu ila socday, waxay ahaayeen rag ku takhasusay duulimaadyada madaniga ah, waxay ahaayeen rag in badan ku soo shaqeeyey, iyagaa xeerkan isku soo duba riday.”
Wasiirka Wasaarada duulista hawada iyo Gaadiidka Somaliland isaga oo hadalkiisa sii wata yidhi “ Wadamada iyo hay’adaha aynu wada shaqaynaa dhamaantood waxay na waydiiyaaan ma leedihiin xeer Madax banaan, hadii aynu xeerkan dhamayno waxay ka baxsan doonaa su’aashaas waji gabaxa ahayda waxa aynu u heli doonaa jawaab sugan, isaga ayaana laga dheegayaa qaabka duulimaayadeena madaniga ah. xeerkani wuxu ka kooban yahay laba qaybood, qaybi waa Rukumada uu ku taagan yahay oo waxaynu raacanaynaa nidaamka Hay’ada ICAO, waana inaynu dunida uga ekaanaa ,waa inay waafaqaan mabaadiida (Chicago Convention), ee ay dunidu ku heshiisay, waxyaabahaas waa inuu xeerkaanu waafaqayaa, arrimaha qaarkood dunidu way ku kala duwanataa, hab dhaqan gaar ayuu wadan waliba leeyahay, dunidu way ogoshay sida aad adigu u waafajinayso dhaqankaaga waa laguu ogowl yahay, laakiin waa inuu waafaqaa nidaamka caalamiga ah ee dunidu inagula shaqnayso, hadii uu xeerkaas mabaadiidaas ka tago wuxuu noqonayaa xeer jaba oo bar kuma taal ah, si aaanu arimahaas uga taxadirno ayaanu khuburadaas u waydiinsay dawladda Ingiriiska, khuburadaasi markii ay soo diyaariyeen xeerka waxaanu qaadnay laba talaabo oo kale, Hay’ada duulimaadyada caalamiga ah ee ICAO ayaanu waydiisanay nin kale oo khabiir ah oo aanu xeerkii u dirnay si uu isaguna u soo eego maadaama iyaguna ay naga doonayaan inaanu buuxino shuruudahooda, isaguna wuxuu qiray xeerkeenu inuu rukumadii leeyahay. Sidoo kale markii aanu intaas soo dhamaynay waxaanu u gudbinay Garyaqaanka Guud ee Qaranka Somaliland oo runtii hadii ay tahay turjimaadii iyo diyaarinta nuqulkiisa Soomaaliga ah-ba iyagaa diyaariyey, xeerka iyagaa turjumay nuqulkiisa rasmiga ahina wuxuu noqnayaa kaas Ingiriisiga ah, waayo duni ayeynu la shaqaynayaa wixi ka xumaada turjumaadiisa isaga ayaa loogu noqonayaa, iyagaa isku soo dubada riday sidaas ayaanu Golaha Wasiirada ku gaynay.”
Markaan soo koobo xeerkani wuxuu kala saarayaa shaqada Wasaarada duulistu ay imika hayso, wuxuu u kala saarayaa laba, Wasaarada wuxuu ku reebayaa samaynta siyaasada, Jaan goynta, Hilaadinta iyo wixii la mid ah, Hay’adana wuxuu ka dhigayaa inay noqoto qaybtii fulinta, way wada shaqaynayaan, xeerkani wuxuu qeexayaa awoodaha Wasaarada, kuwa Wasiirka, ka Agaasimaha hay’ada, boodhka ay hay’adu yeelan doonto iyo si la mid ah.”
Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa sidoo kalena sharaxaad ka bixiyey qaabka ay Xeerkan u sameeyeen waxaanu yidhi “ Dunidu qaabab badan oo kala duwan ayey u samaysataa, marka laga tago mabaadiisa ugu muhiimsan ee ay tahay in la wada adeeco, hay’adaha dunidu isku wada mid maaha, qaar waa kuwo si dhamays tiran u madax banaan oo u shaqeeya, oo waxa xukumada Boodh awood leh, oo go’aamo iyo gudoono culus leh, qaarkoodana Wasaarado ama Hay’ado fulineed ayey Hoos tagaan, anagu waxaanu qaadanay qaybtaas ay Wasaarada Line Ministry-ga u tahay Hay’ada, waxana uu nidaamkaasi la mid yahay nimdaaka ka jira dawalada dariska ee Itoobiya iyo jabuuti, iyo wadamado badan oo carbeed, Maraykan iyo Ingiriis nidaamkooodu waa mid si dhamays tiran u madax banaan, maadaama aynu nahay dal yar oo curdin ah, oo wali nidaamkiisa dawladnimo aanu aad u adkeen, waxaanu dooranay nidaamkaas dadka aynu isku kabaha nahay ay leeyihiin in keenu uu jilo, lnaga oo ilaalinayna Rukumada guud ee aas-aasiga xeerkan u ah, Hay’adu sidaas ayey u dhignaan doontaa, waxaan rajnayaa inaad idinku akhriyi doontaan, ka doodi doontaan, toosin doontaan, ugu dambayna waxaan Golaha Wakiilada ka codsanayaa in Xeerkaas oo baahi weyn uu dalkeenu u qabo, culaysyo badan oo caalamiyana nagu haya, oo maalin walba nala yidhaa Xeer ma leedihiin, imika waxaynu ku jrinaa wadahadaladii maamulka hawada ee Soomaaliya, wuxuu xeerkani caawinayaa Meeqaamkeena, aynu ku doonayno in hawadeena ay gaar u maamulano, wuxuu jidanayaa inay nahay Qaran Madax banaan, wuxuu u quus gonayaa dadka uu muranku inanga dhaxeeyo, oo waliba iyaguna ku guda jira inay Xeer sameeyaan, Hay’adna sameeyey iyagoo xeerkiisa samayn.”
“ Waxaan Golaha si xushmad leh ugu cosanaynaa in xerkaas sida ugu dhakhsaha badan loo qabyo tiro, waxaana is leeyahay Qodaxda iyo shalintaba waanu ka soo idlaynay.Aad iyo aad baana u mahad san tihiin Mudanayaal.” Ayuu yidhi Wasiir Maxamuud.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Cumar Sayid Cabdilaahi Aadan ayaa Mudanayaasha Golaha Wakiiladda ugu jawaabay su’aal ku saabanayd in Wasaaradiisu ay wax wada tashi ah la samaysay shirkadaha Diyaaradaha ee Maxaliga ah wakhtigii ay Xeerka qabyadiisa diyaarinayeen ayaa ku jawaabay “ Horta qoladan airline-nada, dhinacyada ay khusayso meel kuma kala maqnin, waayo Wasaaradayadu adeeg rasmi ah ma siiso dadka, iyagaa adeegii siiya, maalin kasta galinka hore iyo galinka danbe waanu is aragnaa, laakiin waxaa jira dano is khilaafaya masaaliix ay ilaashanayaan, maanta Dalka Jabuuti, Kiiniya, Iyo Dubai dhamaan dunidaa ay ka dhoofaan oo dhan Xeerkan oo kale ayaa ka jira, markaa way ka baqaan tusaale ahaan rakaabka hadaad subaxa keento oo kale, lanbarkii ganaaxayey iyo bahalkii ganaaxayey Jabuuti ayuu u yaalaa kiiniyana wuu u yaalaa markaa Berbera iyo Hargaysa waxay u arkaan meel aan shuruuc badan lahayn, markay doonaana ay shuruucda iska jabiyaan, markaa Xeerkani Ganaaxa uu wato ee fasilaada lagu samayn doono , ayey ka sii yara cabanayaan, laakiin wax toos u taabanaya oo shaqadooda dhibataynaya maaha.”
Agaasime Cumar Cabdilaahi ayaa sidoo kalena intaasi ku daray “ qodobka labaad Xeer kani waxa uu soo jeedinayaa Diyaaradahii Caalamiga ahaa sidaa Wasiirku sheegay in ay Dalkeena yimaadaan, iyaguna suuqa way iska haysteen kaligood markaa taasina culays ayey ku keenaysaa, wasaarad ahaan anagu arintaas siyaasad ayaanu ka leenahay, waxaanu rabnaa in diyaaradihii caalamiga ahaana yimaadaan, kuwanina aanay kicin oo aanay musalafin , ayaamaha loo xadido, oo suuqana waanu naqanaa tiradda dadka dhoofaya ee ku jira, waxa la yidhaa Free Done 5 Iyo Free Done 6 in aanu ilaalino Diyaaradaheeniina ayaamo la siiyo, wixii tasiilaad Dawladu u sameyan karto loo sameeyo oo ay ka qiimo hooseeyaan.” Ayuu yidhi Agaasimaha Guud.