|

Wasiirka Duulista oo shaaciyay inay bilaabayaan Dhismaha Madaarka Burco, Shacabkana fariin u diray

Burco, 20 May 2012 (SDN)- Wasiirka Duulista Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa shaaca ka qaaday inay Wasaarad ahaan bilaabi doonaan dhismaha Madaarka magaalada Burco.

Wasiirka waxa uu sheegay  in la dhamaystiray qorshihii lagu bilaabi lahaa madaarka Burco, kaasoo ay ku baxayso lacag dhan 500,000$ oo doolar, waxaana qayb ka qaadanaya dadweynaha.

Wasiirka ayaa ku hanjabay inay xoog kaga rari doonaan dadka degay hareeraha madaarka

“Garoonkan diyaaradaha ee magaalada Burco maaha maanta mid cusub ee waa mid waligiiba jiray, kaasoo ka mid ahaa garoomada diyaaradaha ee ugu waaweyn Somaliland.” Ayuu yidhi Wasiirka oo u warramayay Idaacada BBC-da, waxaanu intaas ku daray isagoo hadalkiisa sii wata.

“Garoonkan xadkiisa koowaad waxa uu noqonayaa 300 oo mitir oo dhinac walba u noqonaya bari iyo galbeed, labada jiho ee ay diyaaraduhu ka soo degaan ama ka duulaan ma jiri karo wax dhismo ah oo laga dhisi karaa.”

SDN, Burco

 

Comments are closed