|

Wasiirka Duulista iyo Hawada oo Xadhiga ka jaray Duulimaadyo Cusub oo ay bilowday Shirkada Ultimate Air

Hargaysa 25March {SDN) Wasiirka wasaarada  Duulista Hawada JSLand Mud, Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa maanta si rasmiya Xadhiga uga Jaray  Duulimaadyada Shirkada Duulimaadya Ultamat Air, taasi oo isaga gooshaysa Dalka Gudihiisa.

Wasiirka duulista Hawada Mud, Maxamuud xaashi cabdi,oo xaflada furitaanka Duulimaadyada Dayuurada  shirkada Ultamat ka hadlay, ayaa waxa uu sheegay inay si wayn  u soo dhoweynayaan  shirkada, waxaanuu xusay  in ay dayuuradani ay kaga duwan tahay  kuwa shariikadaha kale iyada oo isaga gooshaysa Gobolada dalka .oo hore aanay u jirin dayuurad gaar ah oo u kala goshta gobolada dalka.

Wasiirku waxa uu intaa ku daray in Xukuumad ahaan ay soo dhoweeynayaan, dhiiri gelinayaan oo ay taageerayaan.iyada oo uu sheegay  in adeega dayuuradahani uu yahay mid  door ka qaadnaya adeegyada madaarada  gobolada dalka.

Agaasimaha shariikada  Ultamat Air Md., Geele Cismaan Geelle, oo isna halkaa ka hadlay   ayaa sheegay in shirkada  Dayuurada Ultmat Air, ay markii hore ku jirtay tijaabo,  tijaabadaasi oo uu sheegay inay ka baxday maantana ay si rasmi ah u bilowday duulimaadkeedii  oo Hargaysa Iyo Jabuuti ah.waxaanuu intaa ku daray inay diyaaradu diyaar u  tahay inay fulin doonto  dulimaadyada looga baahan yahay  ee dhinaca Rakaabka, duulimaadka gaarka ah  iyo  kuwa xamuulka ahba.

Ganacsade Geele Cismaan Geele waxa uu sheegay inay  diyaaradu ay  diyaar u tahay  adeega looga baahdo isagoo yidhi “Waxaanu saaka  halkan ka furnay duulimaad cusub oo shirkada Ultimate Air ay ka bilawday Hargeysa ilaa Jabuuti  oo diyaarad cusub oo timid ay fulinayso, hore waxaanu u samaynay sadex bilood oo tijaabo ah imikana tijaabadii way ka baxday  markaa waxaanu bilawnay duulimaadyo cusub oo joogto ah kuwaas oo iskaga gooshi doona Hargeysa  iyo jabuuti haday noqoto rakaab  iyo haday noqoto kiro gaar ah oo shacabka ah” .

Hargaysa SDN

qurbejoog@gmail.com

 

 

Comments are closed