Wasiirka Duulista Hawada Soomaaliya oo ka mahad Celiyey Deeq uga timid Igad Iyo Heshiiskii Turkiga Oo Hal Bacaad Lagu Lisay Noqday DHAGAYSO
Muqdisho 11,May 2016 (SDN/QJ):- Wasaaradda gaadiidka iyo duuliska hawada Soomaaliya ayaa qalab lagu maamulo cimilada dhanka duulimaadka waxaa ay kala wareegtay Urur goboleedka IGAD.
Munaasabada qalabkaasi lagula wareegayey ayaa waxaa ka qeybgalay wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada, wasiir ku xigeenka wasaaradaasi, maareyahaya hey’ada duulista iyo saadaasha hawada, masuuliyiin ka socotay urur gobeleedka IGAD iyo marti sharaf kale.
Wasiirka Duulista Hawada & Garoomada Soomaaliya Cali Axmed Jaamac (Jangali), oo ka hadlayay wareejinta Deeqadaasi ayaa sheegay in ay dawladda Soomaaliya ay ku filan tahay maamulida Hawada waxaana sidoo kale uu uga mahad celiyey deeqda ay ururka goboleedka IGAD markii ugu horaysay ku wareejiyeen.
Wasiirka Duulista ayaa sidoo kale sheegay inay muhiim tahay in xiligaan dowladda Soomaaliya lagu soo wareejiyo maamulka hawada Soomaaliya,maadaam hada qeybo ka mid ah lagu wareejiyey.
Wakiilka uruka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey, ayaa sheegay in Soomaaliya ay guul weyn u tahay in ay hesho qalab laga hago hawada Soomaaliya ee dhanka duulimaadka, isagoo tilmaamay in ay IGAD gacan ka geysan doonto xoojinta saadaasha hawada Soomaaliya.
Dhanka kale Xukuumadda Somaliland oo wada hadalo ka gashay maamulkaasi Soomaaliya ayaa dhawr jeer ku dooda in aanay ogolaan doonin in maamulka Hawada Somaliland laga maamulo Muqdisho iyaga oo heshiiskii Turkiga ku sheegi jiray in ay isla qaateen maamulkaasi Xamar in xafiis dhexdhexaad ah oo si wada jir ah u maamula hawada dalkaasi Soomaaliya laga furayo Hargeysa balse arrinkaasi ayaa wakhtigan u muuqda mid meesha ka baxay oo aan haba yaraatee waxba la iska waydiin.