|

Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil oo si Adag uga Soo Hor-jeestay Xeerka Bangiyada Ganacsiga

Hargaysa 17. March 2017 (SDN/QJ):-Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, ayaa farriin adag u diray Golaha Somaliland oo uu hor yaalay xeerka bangiyadda ganacsi.

Wasiir Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa golaha ugu baaqay in ay ka feejignaadan ansixinta xeerka bangiyadda ganacsiga oo uu ku dooday inay ku jiraan qoddobo fududaynaa isticmaalka iyo adeegsiga ribadda.

“Waxaan farriin u dirayaa Golaha Wakiillada Somaliland, Waxaan leeyahay ilaahay quraankiisa waxa uu ku yidhi ‘Kuwa Allah iyo Rasuulkiisa rumeeyayoow iskaga taga ribada, haddii aad sidaa yeeli weydaana ogsoonaada dagaal Allah iyo Rasuulkiisu idinla gelayaan.’ Culimadii ugu waaweyn, uguna aqoonta badan qaranku way soo baadheen, waanay ka fadhiisteen, waxay u dhiibeen (Golaha Wakiillada) warbixin sideed bog ah oo ay kaga hadlayaan dhibaatada ay leedahay ribadu iyo qaabka maanta loo doonayo in ribada lagu fuliyo sidaad darteed, waxaan halkan ugu digaynaa cid kasta oo ku hawlan. Waxaan u soo jeedinayaa inay ribada ummada ka ilaaliyaan,”ayuu yidhi oo shalay ka hadlay xaflad loo sameeyay mid ka mid ah machadyada ka jira caasimada Hargeysa.

“Dastuurkeenna waxaa ku cad in aanay ribadu bannaaneyn ku shaqaysigeeda iyo macaamiladeeduba. Culimadu waxay caddeeyeen in aanay bangiyo diidanayn oo bangi kast oo dunida ka shaqeeyaa wuu iman karaa haddii uu shareecada waafaqsan yahay.”

Xeerka Bangiyada ganacsiga, ayaa Golaha Wakiillada Somaliland hor yaalley muddo ka badan toban sanno, waxaana wakhtigaas u soo gudbisay xukuumadii hore ee Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin.

Comments are closed