Wasiirka Dibu-dejinta Somaliland oo ka warbixiyay qorshaha Wasaaraddiisa iyo noocyada mashaariicda sannadkan ay fullinayaan
Hargeysa, 04, March 2012 (SDN)- Wasiirka Wasaaradda Dib u dejinta Somaliland Cabdirisaaq Cali Cabdi ayaa ka warbixiyay qorsheyaasha mustaqbalka dhaw ee Wasaaraddaas.
Wasiirku waxa uu sheegay in sannadkan guddihiisa ay magaalada Hargeysa laga bilaabo doono dhismaha 350 guri, kuwaasoo sida uu tilmaamay Wasiirku ay ugu wadamada qaadhaan-bixiyeyaashu ugu talogaleen dadaka ku barokacay gudaha dalka, iyadoo hirgelintooda loo xil-saaray Hay’ada Qaramada Midoobay ee UN-HABITAT.
Wasiirka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa waxa uu sheegay in Hay’ada UNHCR ay magaalada Burco u qorshaysay in barakcayaasha ku sugan loo dhiso 75 guri, kuwaasoo ay hirgelin doonto hay’ada NRC.
Wasiirka Wasaaradda Dib u dejintu waxa uu sheegay in xaafada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa oo ay ku sugan yihiin barakacayaasha ugu badan dalka loo rari doono goobo kale, ka dib sida uu sheegay markii ay iskaashi ka heleen Dawladda Hoose ee Hargeysa, waxaanu ku digay in xilli roobaadku uu dhibaato u keeni karo barakacayaasha. Sidaas darteed ay hirgelinayaan fayo-dhawr iyo taakulo la xidhiidha guryaha barakacayaasha.
SDN, Hargeisa Somaliland