|

Wasiirka Deegaanka oo Cod dheer kaga Digtay Waxyeelo ku Timaada deegaanka,Iftiimisayna Sharci ay soo wadaan {DHAGAYSO}

Hargaysa 01.Sep 2013 (SDN)-Wasiirka Wasaarada Horumarinta Miyiga iyo Deegaanka ee Somaliland Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare ayaa si faah faahsan uga Warantay Dhibaatooyinka dadku Gacmahooda ku dhaliyaan ee Saamaynta Culus ku Yeeshay Deegaanka iyadoo Xustay in hadii aan la helin Sharci adkaynaya in Waxyeelo loo gaysto Deegaanka ay taas badalkeeda Dhulkeenu noqon doono Mid Nabaad Guur ku Yimaado.

Wasiirka DeegaankaMarwo Shugri Baandare waxay Sheegtay in wasaarad ahaan ay gacanta ku hayaan Xeer lagu maamulo deegaanka isla markaana ay u soo Gudbin doonaan Golayaasha Sharci dejinta si ay waajibkooda distooriga ah uga Gutaan,Wasiirku waxay hadalkan ka Jeedisay Mar ay maanta ka hadlaysay fadhi uu Yeeshay Golaha Wakiilada Somaliland oo lagu ansixinayay Xubno Wasiiro Cusub ah oo ay ka mid ahayd.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Shugrideegaan1.mp3″]

Hargaysa SDN,

Qurbejoog.com

Qu

 

Comments are closed