Wasiirka Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Somalia oo Hor tagay Baarlamaanka Somalia kana Raali geliyay Hadal ay ka Cadhoodeen DAAWO
Muqdisho 06. August 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya C.raxmaan Xoosh Jibriil ayaa hortagay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, waxa uuna Wasiirka raali galin ka siiyay Xildhibaanada hadaladii uu ku qoray Barta uu Twitterka ku leeyahay.
C/raxmaan Xoosh Jibriil oo hortagay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa hadal uu u jeediyay kaga dalbaday in ay raali ka noqdaan ayna cafiyaan, waxa uuna Baarlamaanka u sheegay in uu ka xun yahay qoraalkii uu soo bandhigay bartiisa Twitterka.
Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa raali galinta Wasiirka kadib waxa ay sheegeen in ay ka aqbaleyn, waxaana Wasiirka loo sheegay in uu u fasaxan yahay in shaqadiisa uu qabsado lana soo afjaray kiiskiisa.
Madaxda sare ee dowlada Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixiyay sidii loo kala fur furi lahaa Xildhibaanada Aqalka hoose ee doonayay in xilka ka qaadaan Wasiirka Dastuurka, waxaana ugu dambeyn lagu guuleestay in Xildhibaanada lakala fur furo lana bad baadiyo Wasiirka.
Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ka carooday hadalkii kasoo yeeray Wasiirka Dastuurka uu uga hor yimid go’aankii ay ka gaareen 8-da Xubnood ee Baarlamaanka katirsan ee Maxkamada sare ee dalka Doorashooda diiday.