|

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Warfaafinta oo Balan qaaday inuu Samaynayo Gudi Ilaalisa af-soomaaliga ka baxaya idaacadda Radio Hargeysa iyo Tvga qaranka DAAWO

Hargaysa 23. February 2016 (SDN/QJ):- Wasiiradda Wasaaraddaha Warfaafinta Iyo Madaxtooyadda ayaa ka qayb galay Xaflad ku saabsanayda Dhiirigelinta Maalinta Afka hooyo taas oo lagu qabtay Xarunta Dhaqanka ee Magaaladda Hargaysa.

afaffbcd-ca1b-4a76-9193-e9e1cfdbb761Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta Somaliland Md. Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani) oo munaasibadaasi lagu qabtay xarunta dhaqanka ee Hargeysa ka hadlay ayaa sheegay in ka wasiir ahaan uu xil wayni ka saaran yahay illaalinta afka hooyo.

“ Aniga xilbaa iga saran maaddaama oo aan wasaaraddii dhaqanka iyo afka joogo waxaan jecelahay in aan madaxtooyada iyo maaliyada kala tashado sidii loo abbuuri lahaa akaadamiyedii dhaqanka iyo sayniska oo ay noqoto mid runtii shaqaysa,waxaan dhiirigalinayaa in la dhiso tiyaataro badan. Waxaan soo gaadhay tiyaatarkii silimo Oktoobar waxaan garaynayaa tiyaatarkii Miyii iyo magaalo ee dunbuluq ku yaalay.Waxaan dhiirigalinayaa in uu afsoomaaligu noqdo in uu noqdo mid ka bilaabma dugsiyada hoose dhexe sare iyo illaa jaamacadaha .Waxaan tixgalinayaa in uu afsoomaaliga ka baaya raadiyowga iyo tvyadau ay noqdaan mid saxa”ayuu yidhi wasiir Caddaani.

Wasiirka warfaafinta Somaliland waxa uu balanqaaday in uu abuurayo guddi illaalisa af-soomaaliga ka baxaya idaacadda Radio Hargeysa iyo Tvga qaranka.

“Waxaan abbuurayaa gudi ama qayb illaalisa afsoomaaliga ka baxaya radioga iyo tvyada waxaan idiinka balan qaadayaa in aanay carruurtiinu dhagaysan doonin naago is caayaya,waxaan kobcin doonaa oo aan dhiirigalin doonaa abwaanada qaranka ee dalka joga,waxaan dhiirigalin doonaa gabayaayada ay ka mid yihiin yaasmiin dheeg xaawa iyo yaasmiin ay ka mid yihiin.Balan baan kaaga qadayaa in aadan dawan doonin ruwaayad todobaatankii ah oo shucaac maydhana balse aad daawan doonto ruwaayado ay yaasmiin ay idiin sameeyeen iyo xidigaha geesku.Waxaan dhiirigalin doonaa jilayaasha ay ka mid yihiin sooraan iyo jawaan iyo qaar kaloo badan ay ka mid yihiin,waxaanu bilaabi doonaa barnaamijyo lagu tartamo haday gabayga tahay si loo dhagaysto,waxaanu dhiirigalin doonaa hibooyinka ay ummadddu leedahay oo dhan wax ale waxa aynu ciyaar dhaqameed leenahay carruurteena ayeynu bari doonaa .Waxaan danaynayaa sidii loo ilaalin lahaa asaarta qadiimka ah ee aynu leenahay sida Laas-geel .Waxaan danaynayaa in aan baadhno taariikhdeena inaga maqan ee dalkani uu leeyahay inteena cilmigeeda lehna aynu dhiiri galino sidoo kale aynu la kaashano wadamada kale sidii ay inooga caawin lahaayeen in la illaaliyo laas-geel”ayuu yidhi wasiirka warfaafinta Somaliland MD Caddaani.

69f5561b-af45-41b1-b990-0f94d2a2685cSidoo kale Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka hadlay Munaasibadaas ayaa Sheegay inay dhiirigelinayaan ku hadalka Luuqada Somaliga.

Comments are closed