|

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Hawlaha Guud oo Kulankii u Horeeyay Maanta la Yeeshay Shaqaalaha Wasaaradaasi iyo Nuxurka uu daaranaa SAWIRO

Hargaysa 03.Nov 2015 (SDN/QJ)-Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Hawlaha Guud,Gaadiidka iyo Guryaynta Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed “Cali Mareexaan” oo uu Weheliyo Wasiir ku Xigeenka Wasaaradaasi iyo Agaasimaha Guud ee Hawlaha  Guud ayaa maanta Kulan balaadhan la qaatay dhamaanba Shaqaalaha Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradaasi.

Kulankan ayaa Ujeedadiisu la xidhiidhay Is barasho dhex marta Wasiirka iyo Ku Xigeenkiisa oo Shalay la wareegay Xilka Wasaaradaasi Waxaana Kulankan ka soo qayb galay Madaxda Waaxyaha ay Wasaaradaasi ka kooban tahay iyo Shaqaale weynaha Wasaarada hawlaha Guud Guryaynta Iyo Gaadiidka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud,Gaadiidka Iyo Guryaynta Mudane Mukhtaar Maxamed Cali oo Kulankaasi ka hadlay ayaa Wasiirka iyo Wasiir Ku Xigeenka faahfaahin ka siiyey Waaxyaha ay ka Kooban  tahay Wasaaradu iyo Sida ay u shaqeeyaan.

Agaasimaha Guud waxa uu Sheegay inay Wasaaradda ka shaqeeyaan in ka badan 200 oo Hawl wadeen isla markaana ay u gutaan Shaqadooda si habsami leh,Waxaanu intaas ku daray in tan iyo Markii loo Magacaabay Xilkan ay qaateen Shaqaale u badan dhallinyaro oo ka soo baxay Jaamacadaha dalka una badan Enginero kuwaas oo kaalin Mug leh ka qaatay Shaqo Maalmeedka Wasaaradda Waxaanu intaas ku ladhay in Shaqaalaha Wasaaradu ay yihiin Kuwo isku duuban .

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Hawlaha Guud,Gaadiidka Iyo Guryaynta Mudane Cali Xasan Maxamed “Cali Mareexaan” oo Madashaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu Kulan la qaato Shaqaale weynaha wasaarada oo ah Tiirka dhaqaajiya hawlgalada ay samayso wasaaradu.

Wasiirku Waxa uu Xusay in loo baahan  yahay Sidii ay Shaqaaluhu u Libin laabi lahaayeen Shaqo maalmeedka ay qaranka u hayaan Waxaanu sheegay In Wasiir ahaan ay ka go’an tahay Sidii uu dhiirigelin ugu samayn lahaa Shaqaalaha si Qof kastaaba uu dadaalkiisa u xoojiyo,Isagoo intaas ku daray in Kulankani aanu noqon doonin Kii u horeeyay balse ay Joogtay doonaan.

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Hawlaha Guud,Gaadiidka Iyo Guryaynta Mudane Cali Xasan Maxamed “Cali Mareexaan” Wuxuu ka dalbaday Shaqaalaha Wasaaradaasi inay ula shaqeeyaan si waddaniyad leh.

Waxaa Kale oo Kulankaas ka hadlay Wasiir Ku Xigeenka Cusub ee Wasaaradda Hawlaha Guud Eng. Cabdi Maxamed Hiired Iyo  Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Hawlaha Guud.

Kulankaas ayaa ku soo dhamaaday Jewi Wanaagsan.

1 2 3 4 5 6 7 8 10

 

Comments are closed