|

Wasiirka cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oo Maanta Madal la isku Arkay Xilkii wasaaraddaas kula wareegay

haasHargeysa :27-july-2013(SDN) Wasiirka cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Maxamed Biixi Yoonin, ayaa maanta xilkiii wasaaradaas si rasmi ah ula wareegay.

Munaasibadda xil-wareejinta oo ka dhacday Hoolka Guriga shaqaalaha eek u yaalla caasimadda Hargeysa, ayaa waxa ka soo qaybgalay wasiirro, xildhibaanno, Guddoomayaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe, marti sharaf iyo masuuliyiin kale oo aad u tiro badan.

Ugu horrayn waxa halkaa ka hadlay wasiirka wasaaradda qorshaynta qaranka Somaliland Sacad cali shire, waxana uu ku boorriyey wasiirka cusub inuu xilka wasaaradda Arrimaha dibaddu yahay mid Somaliland muhiim u ah maadaama ay raadinayso ictiraaf caalami ah, waxan uu sheegay in wasiirka cusub looga baahan  yahay inuu caalamka ka soo dhaadhiciyo inay dalka Somaliland ka hirgeliyaan maalgashi, maadaama aynu u baahanay in dhalinyaradeedu shaqo hesho.

Waxa kale oo isaguna halkaa ka hadaly wasiirka wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, waxana uu wasiirkii hore ku amaanay shaqadii uu ka soo qabtay wasaaradda arrimaha Dibadda, isagoo wasiirka cusub ku dhiirrigeliyey inuu Ku dedaalo inuu halkaa ka sii amba qaado.

Wasiiradda wasaaraha maaliyadda, Warfaafinta iyo caafimaadka oo iyaguna madasha xilwareejinta ka hadlay, ayaa si aad ah u soo dhaweeyey wasiirka cusub, waxana ay Eebbe uga baryeen inuu u fudaydiyo xilka culus ee uu qaranka u hayo.

Drs. Adna Adna Aadan Ismaaciil oo iyaduna halkaa hadal kooban ka soo jeedisay, ayaa si qiiro leh wasiirka cusub ugu  adkaysay inuu noqdo mid ka taga taariikh oo meel fiican gaadhsiiya siyaasadda arrimaha Dibadda ee Somaliland.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid Eng. Faysal cali waraabe, ayaa isaguna wasiirka cusub u rajeeyey Guul, isagoo sheegay inuu hubo inuu wasiir Biixi noqon doono shakhsi wax weyn oo la taaban karo ku soo kordhiya wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland.

Wasiirkii hore ee  xilka wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa isaguna ku nuuxnuuxsaday inuu la shaqayn doono wasiirka cusub, islamarkaana wixii uu uga baahdo ee talo iyo toosin ah la garab geli doono.

Wasiirka cusub ee wasaaradda  Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamaiga ah, Maxamed Biixi Yoonis, ayaa halkaa ka sheegay inuu Somaliland uga faa’iidayn doono khibraddii iyo waayo-aragnimadii uu ka soo dhaxlay caalamkii uu la soo shaqeeyey, waxana uu xusay inuu hubo inuu isbedel muuqda ku samayn doono wasaaradda cusub ee loo magacaabay.

Ugu dambayntii waxa xilka si rasmi ah ula kala wareebay wasiirkii hore ee wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah, Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo wasiirka cusub Maxamed     Biixi Yoonis.

Wasiirka cusub ee haatan la wareegay wasaarada arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Maxamed Biixi Yoonis, ayaa ah nin khibrad weyn u leh arrimaha Caalamka iyo la macaamilkooda, waxana uu muddo dheer u soo shaqaynayey Hay’adaha Qaramada midoobay.

Somalidiasporanews.com

Axmed Cumar Axmed (timo)

Hargeysa Somaliland.

mawliidguure@yahoo.com

 

Comments are closed