Wasiirka Cusub ee Wasaarada Wershadaha oo Xilkii la Wareegay
Hargaysa 06.June (SDN) Wasiirka cusub ee Wasaaradda Wershadaha Md Abiib Diiriye Nuur ayaa maanta xilkii wasaaradaasi si rasmi ah ugala wareegay wasiirkii hore Md C/risaaq Cali Cismaan .
Munaasabadda xilwareejinta oo lagu qabtay xarunta wasaaradaasi ee Magaalada Hargaysa ayaa waxaa ka soo qayb galay xubno ka tirsan Golaha wasiirada, mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha wasaaradaasi ayaa waxaa hadal ka jeediyey agaasimaha guud ee wasaaradaasi Md Abiib Axmed Cali oo ka xogwaramay hawlaha iyo mas’uuliyadda ay u xilsaaran tahay wasaaradda wershaduhu, halka sidoo kalena uu agaasimuhu faahfaahiyey waaxyaha ay ka kooban tahay oo ah shan waaxood oo kala ah waaxda wershadaha, waaxda badbaada caafimaadka, waaxda maamulka, waaxda qorsheynta iyo waaxda tababarada.
wasiirkii hore ee wasaaradaasi Md C/risaaq Cali Cismaan oo munaasabadaa ka hadlay waxa uu tilmaamay in xiligii uu shaqada hayey ay ku dadaaleen inay xarun gaar ah u sameeyaan wasaaradda wershadaha oo markeedii hore ka tirsanaan jirtay wasaaradda ganacsiga.
Md Cismaan waxa uu sheegay inay wasaarad ahaan caqabad kala kulmeen dhinaca miisaaniyadda iyadoo aanay lahayn miisaaniyad u gaar ah, balse ay wasaaradda maaliyaddu u qorshaysay miisaaniyad yar oo hawlaha xafiisyada lagu maamulo. isagoo ugu dambayntiina u mahadceliyey shaqaalihii la soo shaqeeyey mudadii uu xafiiska joogay, kuna soo dhoweeyey wasaaradda wasiirka cusub Md abiib Diiriye Nuur oo isna dhankiisa hadal kooban oo uu halkaa ka jeediyey ku sheegay inuu ku faraxsan yahay xilka wasaaradda wershadaha, waxana uu ballanqaaday inuu ka hawlgeli doono gudbinta baahiyaha wasaradaa oo ay ugu horayso miisaaniyad yarida la tilmaamay. waxana uu ku bogaadiyey Madaxweynaha Somaliland xilka wasaaradda wershadaha ee uu u magacaabay.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com