Wasiirka Cusub ee Hawlaha Guud oo Xilkii kala Wareegay Wasiirkii Hore ee Wasaaradaas Iyo Weedhihii laga Jeediyey DAAWO
Hargaysa 02.Nov 2015 (SDN/QJ)- Munaasibad ballaadhan oo si weyn loo soo qaban qaabiyay ayna xilka kula kala wareegayeen Wasiirkii hore ee Hawlaha Guud Cabdirisaaq Khaliif Axmed iyo Wasiirka cub Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) ayna wehelinayaan labada Wasiir ku-xigeen ee Wasaaradaas ayaa maanta ka qabsoontay Magaalada Hargaysa gaar ahaan Hotel Maansoor.
Munaasibadan waxaa ka soo qaybgalay Saxiibada Wasiirka xilka wareejinaayay oo aha Cabdirisaaq Khaliif Axmed, kuwaas oo laga xusi karo Wasiirkii hore ee Cadaalada, Wasiirki hore ee Madaxtooyada, Wasiir ku-xigeenkii hore ee Wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada. Sidoo kale waxa iyana dhinacooda soo xaadiray oo u yimi saxiibkooda xilka cusub la wareegaya Wasiir Cali Xasan Maxamed, xubno ay kamid ahayeen, Wasiirka Wershadaha, Wasiirka Beeraha, Mareeyaha Wershada laydhka Hargaysa, Xildhibaan Ibraahim Kacaan iyo saxiibo kale oo ay isku xulufo yihiin Wasiirka Cusub.
Munaasibadan waxa sidoo kale soo camiray Sayaasiyiin kale oo dhex dhexaad ah, bahda Saxaafada iyo marti sharaf tiro badan.
Wasiirki ku-xigeenkii hore ee Hawlaha guud Cali Cabdi Saa’iq, oo halkaasi ka hadlay ayaa Madaxweynaha Somaliland Mud. Axmed Silaanyo uga mahadnaqay xilka uu u magacaabay iyo muddadii shanta sanno iyo badhka ahayd ee uu Wasiir ku-xigeenka ka aha Wasaarada ka hor intaanu xilkaas iska casilin. Geesta kale Wasiirkii hore ee Hawlaha Guud Cabdirisaaq Khaliif Axmed, oo isna ka hadlay halkaas ayaa si weyn uga mahad celiyay dhammaan shaqaalihii uu Madaxda Wasaaradda ugu aha kuwaas oo uu ku dardaaray inay sidii iyo ka badan ula shaqeeyaan Wasiirka Cusub. Agaasimaha Guud ee Wasaaradaas ayaa isna soo dhaweyn u sameeyay Wasiirka cusub, sidoo kale ammaan ballaadhan u jeediyay Wasiirkisi hore.
Gebo gebadii Wasiirka cusub ee Xilka la wareegat Maanta ee Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryaynta, Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) ayaa tilmaamay inay si sharafleh ugu wareejiyeen isaga iyo ku-xigeenkiisa labada Masuul ee ay xilka kala wareegeen ee Wasaaradda ugu horeeyay. Geesta kale wuxuu Wasiirka cusub ballaan qaaday inu waxbadan oo maskaxdiisa ka guuxaaya u dhigan doona, geesta kalena wuxuu ammaan ballaadhan u jeediyay Wasiirka uu xilka kala wareegay.