Wasiirka Cusub ee Arrimaha Haweenka ee Punt land oo Xilkii la Wareegtay Sawiro
Garowe 13.Feb 2014 (SDN)- Wasiirka cusub ee wasaradda haweenka iyo arrimaha bulshadda Puntland ayaa maanta xilka kala wareegtay wasiiraddii hore ka dib munaasibad ka dhacday xarunta wasaradda.
Masuuliyiin kala duwan oo ay wasiiro iyo gudoomiyayaal Gobal ay ka mid yihiin ayaa munaasibadda xil wareejinta kasoo qayb galay.
Wasiirkii hore ee haweenka Puntland Xaliimo Xaaji Xasan oo khudbad kasoo jeedisay xil wareejinta ayaa ka warantay marxalada ay wasaaradda haweenka ku sugan tahay iyo dhamaan shaqooyinkii ay soo qabatay.
Waxay wasiirka cusub kula dardaarantay inay sii dhamaystirto shaqooyinkii ay qabyadda uga tagtay.
”Waan la shaqaynaa wasiirka cusub ee wasaaradda haweenka,siyaasadda kama dhex bixi doono waxana isku soo taagayaa xilka madaxwaynimo doorashadda danbe”.
Wasiirka cusub ee haweenka Aniso Cabdiqaadir Muuminn ayaa dhankeeda sheegtay inay ku faraxsan tahay xilka ay la wareegtay waxayna balan qaaday inay dadka Puntland wax u qaban doonto.
”Gacmo wadajir bay wax ku gooyaan kaligeey waxba ma qaban karo waxan u baah nahay talooyinkiina waana idin soo dhawaynayaa” Aniso Xaaji.
Dadkii kale ee munaasibada ka hadlay ayaa soo dhaweeyay madaxda cusub ee wasaradda haweena waxayna balan qaadeen inay si hufan ula shaqayn doonaan.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com