|

“Wasiirka Ciyaaraha Waxaan Xasuusinayaa, Waxa Na Xukuma Wasiir Kaa Tun-weyn Oo La Yidhaahdo…” Xasan-Shahar

Hargaysa 21.April 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Guddida Dhulka ee Dawladda Hoose ee Hargeysa Xildhibaan Xasan-Shahar, ayaa Xildhibaan Saleebaan-Dogox ka difaacay eedaymo ay u jeediyeen Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ciyaaraha, kuwaasi oo sheegay in Xildhibaanka oo ka tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa uu Xoog kula wareegay Garoon Kubadeed oo ku yaalla Degmada Axmed Dhagax.

Xildhibaan-Xasan-ShaharXildhibaan Xasan-shahar oo ah Guddoomiyaha Guddida Dhulka ee Golaha Deegaanka Hargeysa, ayaa sheegay in Garoonka lagu eedeeyay Xildhibaan Dogox la siiyey Muwaadin Reer Somaliland ah oo ka dhiseysa Xarun lagu lagu Daryeelo Carruurta Naafada ah, isla-markaana aanu Xildhibaan Saleebaan Dogox wax lug-lahayn Dhulkaasi.

 

Xildhibaan Xasan-Shahar oo Shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa isaga oo arrimahaa ka hadlaya yidhi, “Wasiirka Ciyaaraha waxaan xasuusinayaa, waxa na xukuma Wasiir ka tun-weyn oo la yidhaahdo Cali Maxamed Waran-cadde. Tolow Wasiirku ma Wasiirka ayuu qawaday, mise Agaasimaha ayuu qawaday?. Hadday Dawladda Hoose ka cabanayaan waxay ahayd inay Wasaaradda Arrimaha gudaha u tagaan.”

 

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay, “Xildhibaankii la Cambaareynayey ee la lahaa Xildhibaan baa Dhul ka qaadaya Dhallinyarada, markii aanu ka daba tagnay waxaanu soo xaqiijinay Cid Xildhibaan ah oo meeshaa Dhul ku lihi in aanay jirin, laakiin meesha Gabadh baa la siiyey, Gabadha la siiyeyna wax ay iyaduna qaadaneyso ma ahayn ee Dan Guud ayuun bay ahayd, Hawsha ay qabaneysayna waxaa weeye Garoon lagu barbaarinayo Ubadkeenna, ha noqoto kuwa Curyaanka ah oo loo samaynayo (Qalabka lagu Jimicsado) ama kuwa Xagga Dhimirka wax ka qaba ama kuwa kale ee Ciyaaraha u baahan, Qalabkiina wuu dul-yaalla, waxaana ku baxaya $ 2 Milyan oo dollar, waana wax Qarankeena u soo kordhay.”ayuu yidhi.

Madaxweyne Kala Dir Masuuliyiinta Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha !!

Niyad wanaag iyo nabad jacayl umaddeed ayay Somaliland ku taagantahay, rubuc qarni aan isbedel umaddeed iyo horumar la mahadsho lagu tallaabsan ayaynu u dabaaldegayna oo ay ku baanayaan inay dawladnimo habboon oo damaanad qaadday nolosheena la hadhsanaayo dhurwaayada dhuuxay lafaheenu.

Damiir xumo iyo ceeb ka darani ma jirto Marka masuuliyadda laguu doortay aad ku fashilanto ee aan garashadaadu ku farin amaanada umadda celi macangaganimo ka weyni ma jirto. Maaraynta mushkiladaha nololeed ee innagu xeerani xalbay u baahanyihiin xilkiisa aad leedihiin. Xukuumadda heeryadeed cuni marra-waaxid waxay mudantahay in cod midaysan gafanayaasha dhiiga danyarta lagag jaro!

Waa masuuliyadiina hooyada ilamdu dhabankeeda qoysay ee beerku hurayaa, waa masuuliyadiina horumar la’aanta dhallinyarada aan qorshe loo samayn, waa masuuliyaddiina dawladnimada eexda iyo qabyaaladda ku kala soortay shacabka simani, dhaxalka taariikhada idiin kaydsanid waa budhcad boobtay umadda. Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha ceeb weynbaa dul hoganaysa, haddi inuun damiir jiro halla kala diro mar haday is casili waayeen oo aanay lahayn dareenka yaxyaxa, wasaaradu shaqo muhiima iyo waax muhiima qaranka u qaabilsan weeyaan kaalintayse qaadatay waa kaalin aan la mahadin.

Mushahar in lagu qaato masuuliyadda intaa leeg ee ay sugayaan shaqadeeda boqlkiiba toddobaatan bulshada dadka kaihi in isbedel degdega lagu sameeyaa habboon. Madaxweyne abaal uga dhiga dhallinta inaad kala dirto magafayaasha aan waxba soo kordhin ee wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha, haddi qaranka in uun lexejeclo kaa hayso oo aad damqasho iyo dareen leedahay wasaaradda dheeradka ku ah qaranka ee lagu hafray magaca dhallinta Somaliland go’aan degdega ka gaadh.

Masuuliyiinta danbe ee aad magacabaysana ka dhig kuwo la dareena dhallinyarada oo aqoon iyo karti leh. Kadda reernimada aan la mahadin ee aad ku cugto Wasiirka wasaaradda muhiimka ah. Intii talada dalka ay haysay Xukuumadda Kulmiye waxa isbedelay oo iska dhaxlay Wasaaradda ayaandaran shan wasiir, mid keliyihii muu ahayn wasiir garoon lagu ciyaarayo cagaha dhigay, masuul aqoon iyo karti u leh inuu siyaasad iyo qorshe lagu badbaadinaayo dhallinta keeno.

Wasaarada dhallinyarada iyo ciyaaraha maqaar-saar qaranka ku dheeraadaay ahayd lixdaa sano. Muddo xileedkaa waxa la qabtay laba tartan oo mid badhtanka ku fashilmay, labada koob mid wuxuu ahaa kii qabyaaladda ee dhallintu aanay mahadin, midka fashilmayna waa kii dhiigu ku daatay. Dunida tartan qaran oo dhexda ku joogsada m ajiro waa ceeb qaran iyo masuuliyad daro wasaaradeed tartanka fashilmay. Horyaalo ay qabtaan ha sheegin waa hafar iyo hagardaamo been lala taaganyahay warbaahinta.

Af-hayeenka dhallinyarada Xisbiga WADDANI

Maxamed Sidiiq Dhamme

Comments are closed