|

Wasiirka Ciyaaraha Somaliland oo Hambalyeeyay Orod yahan Mo Farah

Hargeysa August 06,2012(SDN)-Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Somaliland Md Cali Siciid Raygal ayaa Hambalyo u diray Orod yahankii shalay Guusha weyn ka soo hooyay tartankii Orodada 10,000m ee Olembiga 2012.

Mo Farah ayaa u tartamayay dalka Britain oo uu haatan ku nool yahay balse wasiirku waxa uu sheegay in uu Somaliland u dhashay,sidaa aawadeedna uu ku hambalyeynayo.

Wasiirka Dhalinyarada Dhaqanka iyo Ciyaaraha Somaliland oo saxaafada la hadlay guushii Mo Farah ka dib ayaa sheegay “Waxaan hambalyeynayaa Max’ed Faarax oo loo yaqaano Mo Farah oo ku guuleystay oradkii 10,000m, ciyaarihii tartanka Olambiga 2012 aad iyo aadna waxaa uu ugu faraxsanahay dhamaan gobolada dalka Somaliland waa laga soo dhaweeyey.

Mo Farah waa nin Somalilander ah oo u dhashay Somaliland isla markaana ku dhashay Gabiley, dhammaantayana waa u hambalyeyneynaa dowladda Ingiriiskana waa in astaan u tahay xidhiidhka qotaada dheer ee dhexeeyey dowladda Somaliland iyo dowladda Ingiriiska ee soo jireenka ahaa ayey astaan u tahay guusha oradyahanka caalamiga Mo Farah.”ayuu wasiirku hadalkiisa ku soo gunaanaday.

Guusha Mo Farah uu ka soo hooyay tartankii 10,000m ee shalay ayaa aheyd mid dunida dacaladeeda laga wada dareemay.

Waxaaney aheyd markii u horeysay ee Britain ay ku guuleysato Bilada dahabka ee orodada 10,000m ebid.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed