Wasiirka Ciyaaraha Somaliland oo Arday guddoonsiiyay abaal marino
Hargeysa Mar 28,2012(SDN)-Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada Ciyaaraha iyo Dhaqanka ee Somaliland mudane Cali Siciid Raygal ayaa Maanta Shahaadooyin gudoonsiiyay arday dhamaysatay xirfadaha aasaasiga ah iyo koob ay ku guulaysteen koox kubada cagta u ciyaarta Dugsiga Panorama Skill Training Center taas oo lagu qabtay huteelka Imbiirial ee Caasimada Hargaysa.
Waxaa Munaasibada gudoonsiinta shahaadooyinkan ka qayb galay oo kale Agaasimaha Guud ee Wasaarada Qoyska iyo madax ka tirsan Wasaarada Waxbarashada gaar ahaan waaxda Waxbarashada dadban .
Gudoomiyaha Panorama Skill Training Khadan Ibraahin oo halkaasi ka hadashay ayaa ka warbixisay waxyaabihii ay ardaydani barteen waxaanay xustay in iyagoo ka duulaya shaqo la’aanta haysata dhalinyarada ay u abuureen waxyaabo ay kaga mashquulaan balwadaha xun ee dhaawacaya mustaqbalkooda ,Gudoomiyaha Panorama Skill waxa ay sheegtay in qaybta kale ee shahaadooyinka la gudoonsiinayaa ay kasbadeen xirfadaha aasaasiga ah ee ay ku maarayn lahaayeen noloshooda iyadoo intaas ku dartay in dugsigan oo ay aasaaseen sannadkii 2003-dii ay ka baxeen laba iyo toban dufcadood.
Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada,Ciyaaraha iyo Dhaqanka Mudane Cali Siciid Raygal oo halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay talaabadan uu dugsiga Panaroma Skill Traning uu u sameeyay dhalinyaradan aqoonta u leh ciyaaraha oo wax badan ka taraya sidii ay nolosha bulshadooda ugu yeelan lahaayeen maqaam wanaagsan waxaa kale oo uu tilmaamay inay Xukuumad ahaan mar walba dhiirigalinayaan cid kastoo dhalinyarada ka taageerta inay xirfadooda kor u qaadaan si ay uga badbaadaan Tahriibta,Budhcadnimada,Balwadaha iyo wixii la mid ah.
Mudane Cali Siciid Raygal waxa uu u soo jeediyay da’a yartan kala duwan in aqoontii ay dugsigan ka kasbadeen ay ku dabaqaan sidii ay ugu samayn lahaayeen xirfado noloshooda qayb ka qaata .
Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Agaasimaha guud ee wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Baashe Yuusuf Axmed iyo mas’uuliyiin kale.
Gaba gabadii Waxa uu Wasiirka Dhalinyarada,Ciyaaraha iyo Dhaqanku halkaasi shahaadooyin iyo koob ku gudoonsiinaya ardaydii ka baxday dugsigan iyo Ciyaartoygii ku guulaystay koobkaas.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com