|

Wasiirka Ciyaaraha oo Ka Hadlay Falkii ay ku Kaceen Xulkii Gobolka Togdheer oo ka Hadhay Tartankii Ciyaaraha

Hargaysa 08.June (SDN) Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Mudane Cali Siciid Raygal ayaa sheegay in xabsiga loo taxaabay badiba ciyaartoygii xulka gobolka Togdheer uga qayb galayey tartanka ciyaaraha gobolada ee ka socda caasimada Hargeysa.

Wasiirka ciyaarah Somaliland waxa uu sheegay in ciyaartoyga gobolkaas uu soo kala dhex galay  khilaaf kaas oo sababay inay kala noqdaan laba dhinac oo iska soo hor jeeda.

Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Cali Siciid Raygal oo goor dhawayd shir jaraa,id qabtay ayaa sheegay in ciyaartoyga xulka gobolkaas loo taxaabay xabsiga magaalada Mandheera,wasiirku waxa uu tilmaamay inay ciyaartoygaasi u kala safteen laba dhinac oo salka ku haya nidaam qabiileed.

Ciyaartoyga gobolka Togdheer uga qayb galaya tartanka ciyaaraha gobolada Somaliland ayaa  u kala saftay laba dhinac kuwaas oo khilaaf soo jiitamayey u dhaxeeyey mudooyinkii u danbeeyey, kaas oo haatan sababay in ciyaartoyga gobolka Togdheer iyaga oo ku sugan magaalada Hargeysa  uu soo rogaal celiyo khilaaf hore oo u dhaxeeyey .

Wasiirka ciyaaraha Somaliland waxa uu sheegay in xulka Gobolka Sool oo maanta la ciyaarayey gobolka Togdheer ay ku laateen gobolkaas isla markaana gobolka Sool uu qaatay dhamaan dhibcihii ay  ku tartami lahaayeen xulka gobolka Togdheer.

Falkan ay ku Talaabsadeen Xulka Gobolka Togdheer ayaa Noqonaya Mid ka hor Imanaya Qawaaniinta Ciyaaraha Isla markaana dhaawacaya Sharafta uu Gobolkaasi ku Lahaa Ciyaaraha Gobolada Somaliland.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

 

Comments are closed