Wasiirka Ciyaaraha iyo Gudida arrimaha bulshada ee Golaha Wakiilada oo ku heshiiyay in la soo daayo Xulkii Gobolka Togdheer
Hargaysa 11.June (SDN) Wasiirka wasaaradda Dhalinyarada iyo ciyaaraha Md. Cali Siciid Raygal ayaa maanta warbixin ka siiyay Gudida Arimaha Bulshada ee Golaha wakiilada tartanka Ciyaaraha Gobolada ee ka Socda CaasimadaHargaysa.
Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaruhu waxa uu sheegay in tartanka ciyaaraha ee Gobolada dalka looga gol leeyahay sidii is dhex galka dhalinyarada si lo abuuro bulsho ka fayow waxyaabaha aafeeya horumarka dhalinyarada.
Wasiirka oo gudida wax ka waydiisay arinta xulka gobolka togdheer oo tartanka laga reebay kuna jira xabsiga waxa uu sheegay in arinta xulka gobolka togdheer ay tahay mid ceeb ku ah Gobolka iyo Qarankaba , xadhigooduna la xidhiidho amnigooda.
Wasiirka iyo gudida Arimaha bushada ee Golaha wakiiladu waxa ay kullankaas iskula qaateen in si dhakhso ah loo sii daayo ciyaartoyga gobolka Togdheer ee xidhan isla markaana ay si wada jir ah u galaan xalka gaadhista arintaas wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo Gudida Arimaha bulshada ee Golaha Wakiiladu.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com