|

“Wasiirka Caddaaladu Wuu Ka Raalli gelinayaa Maxdaxweynaha Iyo Cidkasta Oo Kale Oo Dhibsatay Arrintaa” Wasiirka Cadaalada

Hargaysa 10.June 2015 (SDN/QJ)- Wasiirka caddaalada Xuseen Axmed Caydiid ayaa ka digay in loo nisbeeyo aflagaadooyin lagu faafiyay sanduuq Face book  ah oo si been abuur ah loogu furtay magaca inantiisa, isla markaana uu xusay in lagu  faafiyay sawiro lagu xumaynayo magaciisa iyo sharafta madaxweynaha.

Photo File

Photo File

Qoraal uu arrintaa uu kaga hadlayo oo uu soo saarayna ayaa u dhignaa sidan:-

Xuseen Axmed Caydiid wuxuu dhammaan dadka adeegsada“facebook”-ga ogeysiinayaa in magaca inantiisa oo  ilaa ka afraad ah, isagana u noqonaya ilaa magaciisa saddexaad uu qof aan weli la aqoonsani ku samaystay“facebook account”. Qofkaa soo ku soo ban-dhiga “account”-kaa sawirro lagu xumaynayo magaciisa iyo sharafta madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo.

Haddaba wuxuu Xuseen Axmed Caydiid raalli gelinayaa Maxdaxweynaha iyo cidkasta oo kale oo dhibsatay arrintaa, waxaanu u cadaynayaa in  arrintaasi aanay ka suurtoobin qoyskiisa iyo ehelkiisa.

Waxa kale, oo Xuseen qofka sidaa yeelay u sheegayaa in waxaa uu ku kacay yahay dembi if iyo Aakhiroba saaran; haddii uu isleeyahay cidi kuma aragtana alle ka abaal marin doono dambigaa uu geysatay. waxaanu kula talinayaa in uu qofkaasi si degdeg ah u joojiyo falalkaa foosha xun, cafisna weydiisto dadka bir-ma-geydada ah ee uu fadeexadaynta iyo ka been abuurashada kula kacay.”

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed