Wasiirka Caddaalada Somaliland oo ka hadlay Maxaabiis Budhcad-badeednimo ugu jira Xabsiga Hargeysa oo Cuntada joojiyay
Hargeysa 12, June 2012 (Qurbejoog.com)- Wasiirka Caddaalada Somaliland Mr. Xuseen Axmed Caydiid, ayaa xaqiijiyay in qaar ka mid ah Budhcad-badeed dhowaan laga soo wareejiyay dalka Seychelles ay cuntada joojiyeen.
Maxaabiistan oo loo soo wareejiyay si ay xukunadooda ugu dhamaystaan Xabsiga Hargeysa oo ay hadda ku jiraan, waxay warbaahinta maxaliga ah qaarkeed faafiyeen in qaar ka mid ahi ay cuntada ka soomeen.
Hase yeeshee, wasiirku waxa uu sheegay in maxaabiista cuntada ka soomay aan lagu khasbin karin inay ka laabtaan go’aankooda. “Caalamka way ka dhacdaa Maxaabiis cuntada ka sooma, waanay ku dhintaan, marka uu isagu isu talin kari waayo ayaa la qulaamiyaa, marka uu afka ka qaadan kari waayana xididkaa laga siiyaa inta lagu ilaalin karo, nololna waa la sameeyaa, balse marka uu isagu afkiisa xidho ee uu dagaalamayo ee uu doorto dhimasho, cidina ugu taagi waydo ilaa inta uu ka ogolaanayo liqida ama Xidid ha laga siiyo ama wax ha laga siiyee in la sugo weeye, intii lagu badbaadin karayo, ”ayuu yidhi wasiirka oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa, si adagna u cambaareeyay falkii lagula kacay guddoomiyihii Maxkamadda gobolka Hargeysa oo shalay koox hubaysani dhaawaceen.
Waxa uu difaacay sifaha ay kula wareegeen maxaabiistan, kuwaasoo uu sheegay in aanay xukuumadda uu ka tirsan yahay cidina wax dhaqaale ah ku siinin haynta maxaabiistaas Budhcad-badeednimada loo haysto.
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com