Wasiirka Cadaalada oo Xadhiga ka jaray Dhismayaal loogu talo galay askarta ilaalada Xabsiga Hargaysa
Hargaysa 20.Feb (SDN) Wasiirka Wasaarada Cadaalada ee Somaliland Mudane Xuseen Axmed Caydiid ayaa maanta si rasmi ah Xadhiga uga jaray dhismayaal loogu talo galay askarta ilaalada Xabsiga dhexe ee Magaalada Hargaysa.
Munaasibad kooban oo lagu qabtay bogcada laga hirgaliyay dhismayaashan isla markaana ay ka soo qayb galeen Taliyaha Ciidanka Asluubta,ku xigeenkiisa labaad,Saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta, iyo madax ka socotay hay’ada UNODS oo iyadu maalgalisay Mashaariicdan.
Wasiirka Wasaarada Cadaalada ee Somaliland Mudane Xuseen Axmed Caydiid ayaa ka waramay baahida loo qabay sidii ay Askarta ilaalada Xabsigu u heli lahaayeen Dhismayaal u gaar ah,Waxaanu xusay in Xukuumad ahaan ay dadaal badan u galeen hirgalinta dhismayaashan isagoo mahadnaq u diray hay’ada Qaramada Midoobay ee UNODS.
Taliyaha Ciidanka Asluubta ee Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Xuseen Faarax Xiirane ayaa isaguna Sharaxaad ka bixiyay Waxqabadka balaadhan ee ka socda Xabsiyada ay gacanta ku hayaan Ciidamada asluubtu isagoo sidoo kalena Sheegay qorshayaal horumarineed oo ay ku talo jiraan inay ku soo kordhiyaan Xabsiyada Wadanka.
Mas’uul ka socday hay’ada UNODS oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inaanay ahayn markii u horaysay ee ay Wax ka qabtaan Xabsiyada kala duwan ee dalka .
Intaas kadib waxa uu Wasiirka Cadaaladu uu soo kormeeray qaybaha kala duwan ee Xabsiga dhexe ee Magaalada hargaysa waxaanu warbixin ka dhagaystay madaxda Xabsiga isagoo soo indho indheeyay Mashaariic horumarineed oo ka socota Xabsiga dhexe isla markaana Maxaabiista lagu baro Xirfadaha aasaasiga ah sida Samaynta Jaajuurka,Sariiraha, iyo garoon loogu talo galay Kubada Kolayga inay ku Ciyaaraan Maxaabiista ku Jira Xabsiga dhexe.
Hargaysa SDN.