|

Wasiirka Cadaalada oo Furay Kulan lagu Darsayo sidii loo Samayn lahaa Xeer lagu Maamulo Nootaayooyinka

Hargaysa 19.June (SDN) Wasiirka wasaaada cadaaladda JSLand,.Mud,Xuseen Axmed Caydiid,ayaa maanta ka furay Huteel maansoor ee magaalada Hargeysa kulan lagu gorfaynayo  sidii loo samayn lahaa xeer lagu maamulo  Xafiisyada Nootaa-yooyinka  shareecada  ee dalka ka jira.

Kulankan oo ay ka soo qayb galeen  Gudoomiyaha ururka Qareenada somaliland, saraakiil ka socday wasaarada maaliyadda,Culima’udiin iyo mulkiilayaasha xafiisyada  Nootaayooyinka Sharciga ah iyo xeer ilaalinta, hadal uu wasiirku halkaa ka jeediyey,  ayaa waxa uu ku sheegay in kulankani   ku saabsan yahay   sidii  xeer lagu maamulo loogu  samayn lahaa xafiisyo adeeg bulsho haya oo hore u jiray, kuwaasi oo  ah ayuu yidhi wasiirku  xafiisyada Ma’duunada sharciga ah ama nootaayooyinka  shareecada.

Wasiirka cadaalada Mud,Xuseen Axmed Caydiid, waxa uu intaa raaciyey  in dastuurka JSLand uu jideeyey, dhigayana  Maxkamadaha kala duwan ee  dalka ka jira, waxaanuu wasiirku  xusay in wixii kale ee aan maxkamadahaa dastuurku  jideeyey ahayn ee soo kordha ee baahi keento ee laba dhinac  waxay isku hayaan ka go’aan gaadhaya,  ay lagama maar-maan tahay ayuu yidhi wasiirku inay maxkamadaha dastuurku jideeyey inay  xidid ku yeeshaan .

Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay sh. Maxamed cabdi Carab boo ka  mid ah culimada xafiisyada shareecada, waxaanuu sheegay in xeerkani  uu yahay mid  xafiis-yadooda u jidayn doona inay  yeeshaan fulin, isaga oo xusay inay  dhibaato kaga iman jirtay  go’aamadooda  xagga fulinta.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed