|

Wasiirka Caafimaadka Somaliland oo kulan la qaatay ha’yadaha wada shaqeyntu ka dhexeyso

Hargeysa Mar 14,2012(SDN)-Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland Dr Xuseen Muxumed Maxamed “Xuseen Xoog” ayaa Maanta kulan kula yeeshay hoolka Shirarka ee Wasaarada Caafimaadka hay’adaha ay wada shaqayntu ka dhaxayso

Kulan oo ay ka soo qayb galeen Masuuliyiintqa ka kala Hay’adaha Samafalka ee WFB,UNICEF,HEAL,Medars,MSF Bulgium,MSF Holand,IMC,MERCY –USA,PSI iyo Gudoomiyaha Caafimaadka ee Gobolka Maroodi-jeex,Kulankan oo ujeedadiisu ahayd Qorshe sanadeedka Labada kun iyo laba iyo tobanka in ta lagu jiro in Hay’adaha ka hawlgala adeegyada C aafimaadka Sadexdii Biloodba mar soo bandhigaan waxqabadkooda,si baahiyaha kale la isula qarsheeyo.

Waxaa Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Xuseen Maxamud (Xuseen Xoog) kulankan ku wehelinayay ,Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka iyo Agaasimaha Waaxda Qorsheynta ee wasaaraa Caafimaadka.

Wasiirka wasaarada Caafimaadka oo halkaasi ka hadlay ayaa xusay in ay dalka ka jirto Xiligan Abaar Culus isla markaana loo baahan yahay in adeegyada bulshada loo fulinayo ay noqdaan qaar wax tar u leh gaar ahaan dadku u baahan.

Agaasimaha Waaxda Qorsheynta Khadar Maxamud iyo Madaxa Xogta Caafimaadka Dalka ayaa iyaguna halkaasi ku soo bandhigay sida ay Hay’adaha Samafalku Afar iyo labaatankii Saacba ay uga Helayaan Xog ururin ku saabsan Xaaladaha Caafimaad ee dalka Taas oo u sahli doonta Hay’adahaasi in wax qabad sugan ku talaabsadaan dhamaan Gobolada dalka.

 

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed