|

Wasiirka Caafimaadka Somaliland oo ka soo laabtay Shirar Caalami ah oo uu dibadda kaga qaybgalay

Hargeysa 19, Sept 2012 (SDN)- Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Xuseen-Xoog), ayaa ka soo laabtay shirar caalami ah oo uu kaga qaybgalay dalal dibadda ah.

Wasiirka oo ka soo degay madaarka Berbera, waxa uu sheegay inuu laba shir oo caalami ah kaga qaybgalay dalalka Kenya iyo Sucuudiga, kuwaasoo lagaga hadlayay arrimaha caafimaadka.

Wasiirku waxa uu sheegay in shirarkaas lagu qorshaynayay horumarinta Caafimaadka qaybaha Soomaalida, sida Somaliland, Puntland iyo Koonfurta Soomaaliya, isla markaana lagu dejinayay dhaqaalaha ku baxaya horumarintaas.

Wasiir Dr. Xuseen-Xoog waxa uu sheegay in adeegyada caafimaadka deegaamadaas loogu talogalay 240 milyan oo doolarka Maraykanka ah, isla markaana haatan la sii daayay 30-kii milyan ee u horeeyay.

Waxa uu sheegay in 30-kaa milyan ee doolar loogu talogalay horumarinta adeegyada caafimaadka ee gobollada Sanaag, Awdal iyo Togdheer ee Somaliland.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland waxa uu muddadii uu xilka hayay dedaal dheer u galay horumarinta adeegyada caafimaadka Somaliland oo hore aad ugu liitay, iyadoo uu dib u hawlgeliyay cusbatalo badan oo dhaqaale-xumo u fadhiyay, sida Ceerigaabo iyo Laascaanood.

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed