|

Wasiirka Caafimaadka Somaliland oo iclaamiyay xiliga uu bilaabmayo Talaalka caruuta

Hargeysa Feb 13,2012(qurbejoog.com)-Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr Xuseen Muxumed Maxamed Xoog ayaa Shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xafiiskiisa waxa uu Cadeeyay in 19/2/2012ka uu guud ahaan dalka ka bilaaban doono ololihii tallaalka caruura cudurada guud, kaasoo ka mid ahaa ku talagalka qorshayaasha horumarinta caafimaadka caruurta ee sannadka 2012ka.

Sida ay ku waramayso wakaaladda wararka ee solna wasiirka wasaaradda caafimaadka xuseen xoog waxa uu tilmaamay waajibaadka waalidka dusha ka saaran ee ilaahay ku eegayo ay ka mid tahay sida uu isaga xil saaro kor u qaadida baahiyaha ama daryeelka caafimaadka, waxbarashada iyo barbaarinta suuban.

Wasiirka oo hawl wadeenada fulinaya talaalka ka hadlaayey ayaa sheegay in loo sahlayo agabka ay goob kasta kaga hawl galayaan, iyagoo looga baahan yahay inay waalidka si degan u fahansiiyaan si ay adeega ubadka loo qabayaa ay kaalintooda ua qaataan waalidka ubadka dhalayna keenaan goobaha talaalka.

Wasiirku wuxuu hadalkiisa ku soo gebo-gebeeyey in talaalkani uu yahay mid lacag la’aan ah taas daraadeedna loo baahan yahay sidii fursadaas loogaga faa’iidayn lahaa ubadka .

Qurbejoog-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed