Wasiirka Caafimaadka Somaliland oo deeq gaadhsiiyay Cusbitaalka guud ee Burco
Burco Mar 07,2012(SDN)-Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Xuseen Muxamed Maxamed(Xoog) ayaa maanta gaadhsiiyay Cusbitaalka guud ee magaalada Burco deeq isugu jirtay qalab Caafimaad oo kala ah, Dawooyin, Gogol, Sariiro iyo Raashin.
Deeqdan ayaa ka timi hay’adda Islaamiya oo ka socotay wadanka Cumaan oo marka magaceeda la soo gaabiyo la yidhaahdo (SIWO). Waxaana wakiil uga ahaa deeqdan C.raxmaan Siciid Cawad oo aha jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan dalka cumaan, Md Siciid ayaa faahfahin ka bixiyaya deeqdan oo uu sheegay in ay u keeneen cusbitaalka guud ee magaalad Burco oo ah qalaba caafimaada daawooyin iyo agab kale raashin oo loo qaybinaayo goobaha ay ku sugan yihiin dadka Danyarta ah.
Naasir Maxamed oo ah Sarkaal ka socoday hay’adda Islaamig ah ee Deeqda keentay ayaa sheegay in ay ugu talo-galeen deeqdan Cusbitaalka Burco, Caynaba iyo Oodweyn oo oo ay ka jirto baahiyo caafimaada, isago intaa ku daray in deeqdan mid la mid ah ay geeyeen magaalooyinka Hargaysa, iyo Berber, waxaanu sheegay in ay hore deeqaha noocaan ah ay u gayn jireen wadan ka Soomaaliya balse ay tani tahaya tii u horeysay ee ay soo gaadhsiyaan wadanka Somaliland.
Waxa isna halka ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Cabdo Aayir iyo Duqa degmada Burco Axmed Xasan (Dhega-laab) oo wasiirka iyo Ha’yadaasba ugaga mahad celiyaya Dawlada Cumaan deeqdan ay sooo gaadhisay.
Wasiirka Caafimaadka Dr. Xuseen Muxamed Maxamed(Xoog) ayaa uga mahad-celiyay deeqdan dalka Cumaan ka soo gaadhay Somaliland, waxaanu ka dalbaday inay deeqdan aanay noqon tii ugu danbaysay ee ay noqoto tii ugu horaysay ee ay soo gaadhsiiyaan walaalahood reer Somaliland.
SDN-Burco
contact@somalidiasporanews.com