Wasiirka Caafimaadka Somaliland oo Booqasho ku Jooga Dalka Masar Iyo Kulan uu la Yeeshay Dhigiisa Masaarida iyo Amuuraha laga wada hadlay SAWIRO
Qaahir, 31 March, 2016-(SDN/QJ):–Wasiirka cafimaadka dalka masar ayaa xarunta wasaarada caafimadka ee Magaalada Qaahira Ku qaabilay kuna soo dhaweeyay Wefti uu Hogaaminayo Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Xaglo toosiye Waxaana Wasiir Xaglo toosiye Kulankaasi ku wehelinayay Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibada Somaliland.
Mudada uu Kulanku socoday waxaa sii xoog ah labada dhinac uga wada hadleen xidhiidhka soo jireen ah ee ka dhexeeya dalalka Masar iyo Jamhuuyiyada Somaliland waxaa ka qayb galay dhamaan maddexa ugu sareysa iyo waaxyaha kala duwan ee wasaarada caafimadka masar halkaasi oo lagaga hadlay qodobo mihiim ah oo faa’iido u leh Wasaarada Caafimadka Somaliland oo ay ka mid yihiin 1-Schooler ship ay Masar u Samayso ardayda ka qalin jabisay jaamacadaha Somaliland gaar ahaan qaybaha Cafimaadka iyo inay Masar ka helaan post graguate ah.
Sidoo kale Waxay isku afgarteen in Dhakhaatiirta Masaaridu ay Somaliland ka soo fuliyaan Tababaro iyo sidii ay u Caawin lahaayeen Bulshada Somaliland Arrimaha Caafimaadka ee ay baahida badan u qabaan isla markaana ay si buuxda uga hawl galaan Somaliland.
Labad Wasiir ayaa kala sexeexday qodob sii xoojinaya xiidhiidhka labada dalka ee dhinacyada iskaashiga deeqaha waxbarashada caafimaadka.
Kulamada wasiirka Caafimaadka Somaliland oo wali ay socdaan waxaa la filayaa inuu Kulan la qaato Saraakiil Sare oo ka Tirsan Jaamacada Carabta .
Geesta kala waxa munaasibada qaado sharaf loo sameyey waftigii uu hogaaminayey Wasiirka Cafimaadka Dalka Somaliland Dr.Salebaan Ciiska Xaglo toosiy intii ay socotay qadadu waxa aad looga sheekeystay xaalada ay hada ku sugan tahay Somaliland ee abaaraha oo maraya halkii ugu sarayey iyo sidii ay uga qayb qaadan lahayda dawlada masara dhinaca taakulada caafimaadka iyo raashinka .
Waa markii kowaad ee Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglo toosiye uu Safar ku tago dalka Masar kadib Martiqaad uu ka helay dhigiisa Masar.