|

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr Xaglatoosiye Oo Kulan Xasaasi ah la Yeeshay Gudiga Beelaha Dhulbahante Iyo Go,aano Ay Isla Meel Dhigeen

Buuhoodle 24.Jan 2016 (SDN/QJ):-Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Saleebaan Ciise Axmed ayaa habeenkii xalay kulan labo geesood ah la yeeshay gudida beesha degta deegaanka Buuhoodle
Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr XaglatoosiyeKulankaas oo u dhexeeyey Beelaha Dhulbahante Iyo Xukuumada Somaliland oo uu u joogay kulankaas Wasiirka Wasaarada Caafimadka Somaliland

Kulanka Wasiir Saleebaan Xaglatoosiye la qaatay Beesha ayaa waxaa diirada lagu saaray siddii loo xoojin lahaa nabadgelyada.loogana wada shaqayn lahaa siddii is fahan dhaba iyo walaaltinimo looga gaadhi lahaa, si ay udub dhexaad ugu noqota nabadgelyada Somaliland

Wasiirka Caafimaad Saleebaan Ciise Xaglatoosiye ayaa dhinaciisa si adag uga hadlay kooxda maleeshiyada Cali Khaliif ee fidnada kula dhuumaalaysanaya deegaana miyiga, ka dib markii laga eryey magaalada Buuhoodle.
Wasiirka ayaa si cad u sheegay inaanay marnaba ka ogolaanayn Cali Khaliif iyo kooxdu hor boodayo inuu colaad ka abaabulo dalka Somaliland, deegaankani wuxuu ka tirsanyahay Jamhuuriyadda Somaliland oo higsanaysa siday beesha caalamka citiraaf uga heli lahayd

Wasiirka Saleebaan Ciise Xaglatoosiye wuxuu qiray inuu jiro saluug ay beesha Dhulbahante ay ka qabto saamiqaybsiga Somaliland, taasina waa ta aynu doonayno inaynu miiska wada hadalka la tagno, waana dariiqa aynu ku heleyno xaqeena, waa inaynu Somaliland ku qancinaa waxa inaga maqan, waxaan hubaa in taasina diyaar laynoo yahay, haday tahay Xukuumada Siyaasiyiinta Cuqaasha iyo dhamaan bulshadda Somaliland

Cuqaasha Beesha Dhulbahante

Gudida Beesha Dhulbahante haddii aanu nahay Odayaasha Beesha waxaanu diyaar u nahay siddii aanu salka ugu dhigi lahayn nabadgelyada Somaliland waxaananu la dagaalami doona dadka doonaya inay afka isu geliyaan dadka walaalaha ee wada dega dhulkan, waxaanu diyaar u nahay in aanu u hogaamsano awaamiirta Xukuumada Somaliland

Baahida Gobolka Buuhoodle

Waxaa deeganada ay degaan Beelahani ka jira dib u dhac aad u baahsan waxaana waajiba in laga hawl galo siddii wax looga qaban lahaa arimaha bulshada sida waxbarashada caafimaadka iyo biyahaba Xukuumada aad ka mid tahay waxaad ugu wer geysaa in ay si degdega wax uga qabato baahiyahaas waayo waa wixii loo igmaday Xukuumada Somaliland iyo dhamaanba laamaha dawladda

Gebagebo

Kulankan oo ahaa mid ka duwan kulamdii hore ayaa Wasiir Saleebaan Ciise Xaglatoosiye wuxuu soo hor dhigay go,aamo ay madaxa u ruxeen odayaasha Beesha Dhulbahante, Kulan ayaa lagu rajo weyn yahay inuu noqdo mid midha dhala

sidoo kale Cuqaasha ayaa sheegtay in fidmo wade Cali Khaliif ay ku qancinayaan in uu faraha kala laabto siyaasada guracan ee uu ka dhex wado Somaliland taas oo Cali Kahliif ay dabada ka wadaan Madaxda Maamulka Soomaaliya

Wasiirka ayaa waxaa sii socda weli kulamada uu la yeelanaayo qaybaha kala duwan ee beelaha degga deegaanadaas isagoo ayaamaha soo socdana ku sugnaan doona magaalada Buuhoodle

Halka Cali Khaliif Galaydh uu ku dhuumaalaysanaayo deegaano ka mida Hawdka isaga oo ay ku wehelinayaan xildhibaano ka tirsan maamulka taagta daran ee Federaalka Muqdisho ka dhisan.

Comments are closed