|

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Xaglo Toosiye Oo Si Wayn Loogu Soo Dhaweeyay Buuhoodle,Xili ay Ciidamadda Qaranku Afarta Jihaba ka fadhiyaan Magaalada Buuhoodle

Buuhoodle 18.Jan 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Mudane Dr Saleebaan Ciise Xaglo toosiye ayaa Gaadhay Magaalada Buuhoodle .

xaglo iyo buuhoodleWaxaana uu Wasiir Xaglo toosiye Kala kulmay Soo Dhaween balaadhan iyadoo uu magaaladana uu ku suganyahay Cali Khaliif oo ku hawlan sidii uu hurin lahaa Colaado aanay bulshadu Deegaankaasi u baahnayn wakhti xaadirkan .

Xaglo Toosiye ayaa ah Masuulka kaliya ee waxqabad muuqda ka sameeyay Deegaankaasi isagoo hore u gaadhsiiyay Ambuluance iyo waliba adeegyo kale , Immikana ku hawlan sidii uu horumar iyo nabad uga hirgalin lahaa Deegaankaasi .

Geesta kale Wararka Shabakada Qurbejoog ay ka helayso deegaanka Buuhoodle ayaa sheegaya in Ciidamada Qaranka oo ku gaashaaman Noocyada kala duwan ee Tiknikada dagaalka ayaa isku balaadhiyey afarta Jiho ee Wadooyinka Magaalada Buuhoodle ka baxa,lama saadaalin karo Sida ay xaaladu ku danbayn doonto.

Magaalada buuhoodle ayaa ah Bogcad ay Maamulkeeda ku hirdamaan Somaliland,Maamul Goboleedka Punt land, Kooxda Khaatumo Iyo Mas’uuliyiin ka tirsan dawlada Federaalka Somalia.

Comments are closed