|

Wasiirka Caafimaadka Puntland oo ku baaqay in laga qayb-qaato dayactirka Isbitaalka Gaalkacyo DHAGAYSO

Gaalkacayo 28.Aug 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Cabdinaasir Cismaan Ciise Cuuke oo shir saxaafadeed ku qabtay Magaalada Garoowe ayaa baaq u diray shacabka Puntland.

 

Wasiirka ayaa sheegay in qaraxyadii dhawaan ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ay waxyeelo ka soo gaartay Isbitaalka Guud ee Gaalkacy waxaana uu ka codsaday shacabka inay ka qayb-qaatay dib u dactirka Cisbitaalka.

 

Wasiirka ayaa sheegay in dhaawac badan uu soo gaaray qaybaha kala duwan ee isbitaalka loona baahanyahay in shacab iyo dowladba loo istaago sidii looga qaybqaadan lahaa tabarucaadka lagu dayactirayo isbitaalka.

Comments are closed