Wasiirka Caafimaadka oo Xadhiga ka jaray Cisbitaal laga Hirgaliyay Degmada Sallaxley
Sallaxley 09.June {SDN) Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland Dr Xuseen Maxamed Maxamud Xoog ayaa Xadhiga ka jaray Cisbitaal laga hirgaliyay Degmada Sallaxley.
Xadhig ka jaristan waxaa ka qayb galay Madax kala duwan oo ka socotay Xukuumada Somaliland Sida La taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha doorashooyinka iyo Axsaabta Maxamed Muuse Abees,Saraakiil ka socotay Hay’ada Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta iyo Marti Sharaf kale.
Gudoomiye ku Xigeenka Degmada Sallaxley Naasir Cabdi Iimaan ayaa Wasiirka iyo Xubnaha la socday Warbixin ka siiyay Marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray dhismaha Cisbitaalkani isagoo u Mahadceliyay Haweenka Ururka Gaaroodi oo door Mug leh ka qaatay Hirgalinta Cisbitaalkan.
Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Xubno ka mid ah Ururka Haweenka ee Gaaroodi oo tilmaamay in Cisbitaalkani uu bulshada degmadaasi ka furan doono baahi dhinaca caafimaadka ah.
Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland Dr Xuseen Maxamed Maxamud Xoog ayaa Mahadnaq u diray Haweenka Ururka Gaaroodi ee Iska kaashaday dhismaha Cisbitaalkan,Wasiirku waxa uu balanqaaday In Wasaaradd ahaan dhamaystiri doonaan qaybaha ka hadhay dhismaha Cisbitaalkan isla markaana ay Qalabayntiisa door muuqda ka qaadan doonaan.
Wasiirka caafimaadku waxa uu u soo Jeediyay Bulshada ku nool Degmada Sallaxley inay ilaashadaan Cisbitaalkan.
Gabo gabadiina Waxa uu Wasiirku kala wareegay hay’ada Bisha Case ee Imaaraadka Carabta Qalab kala duwan oo Cisbitaalku ku Shaqayn doono.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com