|

Wasiirka Caafimaadka oo Kulan la Yeeshay Jaaliyada Somaliland ee Finland

Helsinki  24.Jan 2014 (SDN)- Wasiirka wasaaradda caafimaadka JSL Dr Saleebaan Ciise  Axmed oo uu wehelinayey Agaasimaha Cusbataalka guud ee magaalada Hargeysa Dr. Axmed Cumar Askar  oo safar shaqo ku jooga dalka Finland   ayaa kulan xog waran la yeeshay Jaaliyadda Somaliland ee Finland.

xaglo3Furitaankii kulankaasi waxaa hadalo soo dhawayn iyo mahad isugu jira ka soo jeediyey Gudoomiyaha Jaaliyadda Xasan Cali sadexle iyo Gudoomiyaha Jaaliyadda SL ee magaalada Turku ee isla dalkaasi Md Cabdillahi Xasan,

Dr, Cali Cumar iyo Siciid Guuleed oo ah xidhiidhiyayaasha mashruuca MIDA (IOM). Ayaa intii kulankaasi socday faahfaahin ka bixiyey hallka uu mashruucaasi marayo iyo faa’iidooyinka laga helay

Dr. Axmed Cumar Askar agaasimaha guud ee cisbitaalka hargeysa ayaa uga waramay Jaaliyadda Hawlaha Caafimaadka ee ka socda dalka , gaar ahaan  Isbitaalka guud ee  Caasimadda Somaliland oo haatan  madaxda ka yahay.:

Wasiirka Wasaaradda  Caafimaadka JSL  Dr Saleebaan  Ciise Axmed waxaa uu mahad naqay dhammaan intii ka soo qayb gashay kulanka,. waxana uu warbixin ka siiyey Jaaliyadda hawsha shaqo ee uu u socday oo ahayd barnaamij ay qurbajooga caafimaadka ka shaqeeya ku tageen dalkii,  sidii ay dalkii uga hawl geli lahaayen, kaasoo wax weyn ka taray ila haatan intii uu socday , iminkana ay ku hawlan yihiin sidii loo sidii wadi lahaa wejiyadiisa dambe. wasiirku waxaa ka waramay burburkii dalka ka dhacay sida uu saameeyey caafimaadka iyo dhinacyada kaleba lama huraana uu ku tilmaamay in la helo dad aqoonta caafimaadka leh oo dalkii waxtar ka gaysta.

Dhanka kalena wasiirka caafimaadku  Waxaa uu ku dhiigigeliyey Jaaliyadda inay ka hawgasho sidii ay waxqabad uga geysan lahaayeen dalkii gaar ahaan dhinaca caafimaadka- oo ay ka taageeri karaan dhinacyada qalabka ,gaadiidka bukaanka iyo waxyaabo kaleba.

Gebagebadii kulankaana jaaliyaddu waxaysi weyn ugu mahadnaqeen wasiirka iyo weftigiisa .

Helsinki  SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed