Wasiirka Caafimaadka oo Furay Shir ay Wasaaradiisu ku naaqishayso Wixii u qabsoomay & Qorshahooda ku talo gal
Hargaysa 27.March (SDN) Wasiirka wasaarada caafimaadka JSLand Mud, Xuseen Muxumed maxamuud ayaa maanta Huteel Maansoor ka furay shir lagaga hadlayey wax-yaalihii u qabsoomay wasaarad ahaan 2013 iyo qorshaha wax-qabadka sanadkan 2013.
Wasiirka oo ka hadlay furitaankii shirkaasi ayaa waxa uu sheegay, shirkani uu yahay shirkii caadiga ahaa ,kaas oo saddexdii biloodba aynu ku eego waxyaalaha inoo qabsoomay I,caqabadihii inaga hor-yimi, sidoo kalena aynu ku eegno ayuu yidhi wasiirku waxa inoo qorshaysan ee aynu qaban doono.
Mudane Xuseen muxumed Maxamuud waxauu soo jeediyey ka qayb galayaasha in mudada shirku socdo ay ku lafa guraan waxyaalaha inoo qabsoomay iyo caqabadihii inaga hor yimi sida loo maaraynayo. Waxa kale oo wasiirku u soo jeediyey inay diirada saaraan qorshaha wax qabadka saadkan 2013 aynu doonayno inaynu fulino.
Hargaysa SDN.
qurbejoog@gmail.com